Nigeria: Kooxo hubaysan oo afduubtay in ka badan 100 qof

Image
Dadka deegaanka ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin wax ka qabasho la’aanta laamaha ammaanka.

Abuja (GO) - Kooxo hubaysan ayaa shalay weerar ku qaaday laba tuulo oo ku yaala waqooyi-galbeed ee dalka Nigeria, iyagoo ugu yaraan 100 qof ka afduubtay guryahooda, sida dadka deegaanka ay u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Usman Dalami Stingooo ka mid ah saraakiisha gobolka Kaguru, ayaa sheegay in dableyda ay weerareen tuulooyin ka tirsan deegaanada gobolka ee maalmihii la soo dhaafay.

Gobolka Kaduna ayaa in ka yar laba toddobaad ka hor lagu afduubay ku dhawaad ​​300 oo arday, waxaana lagu eedeeyay kooxo burcad ah oo ku caan baxay dilal iyo afduubyada ka dhaca waqooyi-galbeed iyo gobollada dhexe ee Nigeria.

Dadka deegaanka ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin wax ka qabasho la’aanta laamaha ammaanka, inta badan kooxahan hubeysan ayaa markii hore ahaa xoolo-dhaqato dirir dhaxmartay dadka deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Chad oo soo afjartay heshiiskii iskaashiga difaaca ee Faransiiska

Ciidamada militariga ayaa tan iyo markii ay u weecdeen dhanka Ruushka, oo calooshood u shaqeystayaal la geeyay guud ahaan gobolka Saaxil.

  • Afrika

    29-11-2024

  • 10:32AM

Kenya iyo Ethiopia oo galay heshiis aan DFS ku jirin oo ku saabsan Soomaaliya

Kenya ayaa kumanaan askari ka jooga Jubaland, waxaana la filayaa inay ku biirto Howlgalka cusub ee AUSSOM.

  • Afrika

    28-11-2024

  • 01:36PM