Nigeria oo 70 "argagixiso ah" ku dishay weerar cirka ah

Image
In ka badan laba milyan oo qof ayaa ka barakacay guryahoodii rabshadaha socda awgeed.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamada cirka Nigeria ayaa sheegay in ay dileen in ka badan 70 dagaalyahan oo taabacsan ISIL (ISIS) ee waqooyiga dalkaasi, gaar ahaan xuduudka Niger, kadib weerar cirka ah.

Bayaanka ka soo baxay ciidanka Cirka ayaa lagu sheegay in diyaarado laga leeyahay Nigeria iyo Niger ay ka qeyb qaateen howlgalka.

Aagga harada Chad, oo Nigeria ay sheegtay in ay ka bilaawday duullaanka cirka, ayaa caan ku ah martigelinta dagaalyahannada Gobolka Islaamiga ah ee Galbeedka Afrika (ISWAP), oo ah koox hubaysan oo firfircoon tan iyo 2016-kii.

Kooxda Boko Xaraam oo ka horaysay kooxdaan ayaa labada wadan waxa ay bada dhinac waxa ay ka dileen in ka badan 40,000 oo qof tobankii sano ee la soo dhaafay. In ka badan laba milyan oo qof ayaa ka barakacay guryahoodii rabshadaha socda awgeed.

Afhayeenka ciidamada cirka Nigeria Edward Gabkwet, ayaa sheegay in ay in duqeeyeen goobo badan oo hooy u ahaa “Argagixisada ajaanibta ah iyo kuwa maxaliga ah ee caadaystay daadinta dhiiga”. Weerarada ayaa sigaar ah uga dhacay Tumbun Rego iyo xero tababar oo u dhow.

"In ka badan 70 ka tirsan argagixisada ISWAP ayaa la dilay ama si xun loo dhaawacay," ayuu yiri.

Nigeria ayaa inta badan kordhisa weerarkeeda xiligan oo kale sanadka ka hor inta uusan bilaaban xilli roobaadka.

Askartu waxay la dagaallamayeen jabhadda hubaysan in ka badan 12 sano. Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale waxa ay la dagaalamayaan kooxo burcad ah oo aad u hubeysan oo ku sugan waqooyi galbeed iyo xiisadaha gooni u goosadka ee Koonfur Bari.

Tan iyo sannadkii hore, ISWAP ayaa inta badan la wareegtay Boko Haram kaddib markii hoggaamiyahooda Abubakar Shekau uu ku dhintay iska-horimaadyo dhex-maray. Shekau ayaa sumcad caalami ah ka helay ka dib markii uu ku dhawaad 300 oo gabdhood iskuulay ku afduubtay Chibok sanadkii 2014kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM