Nigeria oo dalkeeda ka mamnuuceysa Twitter

Image

ABUJA, Nigeria - Nigeria ayaa sheegtay inay si aan la cayimin u joojineyso howlaha Twitter ee dalkeeda, labo maalmood ka dib markii shabakada xiriirka bulshada ay masaxeen qoraal ka soo baxay Madaxweyne Muhammadu Buhari kaasoo ku hanjabay inuu ciqaabi doono gooni goosatada ku nool gobalada weerarada lagu qaado xarumaha dowlada.

Twitter-ka ayaa wuxuu wali ka shaqeynayay dalka ugu dadka badan Afrika kadib go'aankii lama filaanka ahaa ee Nigeria kasoo baxay Jimcihii kaasoo aan lagu caddeyn waqtiga xayiraada bilaabaneyso.

Warkan, oo ay wasaaradda warfaafinta ku shaacisay isla ciwaankeeda Twitter-ka, ayaa wuxuu caro ka dhaliyay dadka adeegsada baraha bulshada ee Nigeria, halkaas oo Twitter-ka aad looga jecel yahay.

Wasiirka warfaafinta Lai Mohammed ayaa xusay in dawladu ay u shaacisay go'aankan maadaama "adeegsiga joogtada ah ee mareega loogu talagalay in lagu waxyeeleeyo jiritaanka shirkadaha Nigeria".

Mohammed ma uusan faahfaahin waxyeeladda uu ka dhawaajiyey, mana uusan bixin faahfaahin ku saabsan nooca ganaaxa uu qaadan doono si lamid ah waqtiga uu soo bixi doono go'aankaas culus.

"Warka ay soo saartay Dowladda Nigeria ee joojinaya howlihii Twitter-ka ee Nigeria waa mid si qoto dheer looga walaaco," ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay Twitter. "Waan baareynaa waana soo bandhigi doonaa wixii kasoo kordha," ayay raacisay.

Arbacadii, shirkadda weyn ee tikniyoolajiyadda Mareykanka ayaa sheegtay in qoraalkii Buhari uu ugu hanjabayo in la ciqaabi doono kooxaha lagu eedeeyo weerarada lagu qaado dhismayaasha dowladda "taasoo xadgudub ku ah siyaasadeena anshax ilaalinta ee Twitter-ka"; ciwaanka madaxweynaha ayayna hawada ka saartey 12-saacood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM