Nigeria: Ugu yaraan 80 arday iyo shan macalin oo la qafaashay

Image

ABUJA, Nigeria - Dabley ayaa dilay sarkaal boolis ah waxayna afduubeen ugu yaraan 80 arday iyo shan macalin oo wax ka dhigayay iskuul ku yaal gobolka Kebbi ee Nigeria, sida ay sheegeen booliska, dadka deegaanka iyo macalimiin.

Weerarka ayaa ah afduubkii saddexaad ee ballaaran oo muddo saddex toddobaad gudahood ah ka dhaca waqooyi-galbeed Nigeria, oo ay mas'uuliyiintu u aaneeyeen burcad hubeysan oo doonaya madax-furasho lacageed.

Afhayeenka Booliska Gobolka Kebbi, Nafiu Abubakar, ayaa daaha ka rogay in kooxda hubeysan ay dileen hal sarkaal intii ay is-weydaarsanayeen rasaasta sidoo kalena ay toogteen arday kaasoo la daweynayay.

Booliska oo hadlay gelinkii dambe ee maalintii Khamiista ma aysan soo bandhigin tirada ardayda la la’yahay. Afhayeen kale oo u hadlay barasaabka gobolka Kebbi wuxuu carabka ku dhuftay in ay wadaan tirakoobka dadka la la’yahay.

Weerarka ayaa waxaa ka dhacay kulleejada dowladda federaalka ee magaalada fog ee Birnin Yauri. Abuubakar wuxuu daaha ka rogay in ciidamadda amaanka ay baadi goobayaan keymo u dhow ardayda iyo macalimiinta la afduubtay.

Burcad dooneysa madax furasho ayaa in ka badan 800 oo arday Nigerian ah ku afduubtay iskuuladooda tan iyo bishii Diseembar weerarro taxano ah. Qaarkood waa lasii daayay halka qaarna wali waa la la'yahay.

Howlgallada ka socda gobolka waqooyi-galbeed ayaa ka duwan kacdoonnada Islaamiyiinta ee ku wajahan waqooyi-bari, halkaas oo kooxda xagjirka ah ee Boko Haram ay cinwaannada ugu weyn ee warbaahinta caalamka qabsadey sanadkii 2014 markii ay afduubeen in ka badan 270 gabdhood oo iskuuley ah kadib markii ay ku duuleen magaalada xiligaas caanka noqotay ee Chibok.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ibrahim Traoré: Hoggaamiye Ku Jira Ka Xoraynta Afrika Gacanta Gumeystayaasha Reer Galbeedka

Sida ay sheegtay Beverly Ochieng, oo ah cilmi-baare sare ka tirsan hay’adda Control Risks ee fadhigeedu yahay caalamka.

  • Afrika

    12-05-2025

  • 07:34AM

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM