Nigeria: Weerar gaadmo ah oo lagu dilay todoba qof beeraley ah
ABUJA, Nigeria - Fallaago xagjirka ah ayaa ugu yaraan toddobo beeraley ah ku dilay waqooyi bari Nigeria. Weerarkan waxa uu sii khatar gelinaya sugnaanta cuntada ee gobolka ay dhibaatadu ka jirto, sidda ay mas'uuliyiin maxalli ah sheegeen wakaaladda wararka ee Associated Press Jimcihii todobaadkii hore.
Maleeshiyada ayaa weerar ku qaaday beeraleyda maalintii Khamiista xilli ay ka shaqeynayeen beerahooda meel u dhow deegaanka Molai ee gobolka Borno, sidda ku xusan warbixinta.
Ciidamada ammaanka oo goobta la geeyay “waxay la kulmeen muuqaal argagax leh; Dhibanayaasha qaarkood ayaa qoorta laga gooyay halka kuwa kalena ay gabi ahaanba qoorta ka jareen,” ayuu yiri Abuudulmumeen Buulama, oo xubin ka ah Guddiga Wadajirka ah ee Rayidka ah ee gacan ka geysanaya la dagaalanka mintidiinta.
Sainna Buubaa, oo ah sarkaal ka tirsan dowladda hoose, ayaa weerarka ku tilmaamay “dhacdo murugo leh” oo lagu soo celinayo dhaq-dhaqaaqii nabada iyo beeralayda ee gobolka dhibaatadu ka dhacday. Dadka dhintay ayuu sheegay in la aasay.
Weerarka ayaa dhacay iyadoo ay socdaan dadaallo dowladdu ay ku dooneyso in beeraleyda iyo dadka kale ee deegaanka ay ka soo kabtaan rabshado iyo kacdoono la xiriira gobolka ay dhibaatadu ka dhacday.
Hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa waxay toddobaadkan raadinayeen dhaqaale dheeraad ah oo loogu talagalay in wax looga qabto gargaarka bani'aadamnimada.
Weerarada xagjirnimada ayaa sannadkii 2009-kii ku bilowday la dagaalanka waxbarashada reer galbeedka iyo in ay gobolka waqooyi bari ka hirgeliyaan shareecada Islaamka.
Ugu yaraan 35,000 oo qof ayaa lagu dilay in ka badan 2 milyan oo kalena waa ay ku barakaceen, sababo la xiriira rabshadaha kooxda Boko Haram iyo garab ka go’ay oo ay taageerayaan dowladda Islaamiga ah, sida ay sheegeen hay’adaha Qaramada Midoobay ee fadhigoodu yahay gudaha waddanka Nigeria.
GAROWE ONLINE