Nin kasoo baxsaday Al-Shabaab oo toogasho lagu dilay

Image

NAIROBI, Kenya – Dabley aan wali la aqoonsan ayaa lagu waramayaa in shaqsi dhowaan kasoo laabtey Al-Shabaab ay ku dileen degaanka Watamu oo ku dhow magaala xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya.

Wargeyska Daily Nation ayaa magaca ninka la dilay ku sheegay Cumar Saalim Unda, kaasoo ahaa 27-sano jir.

Sidda ay sheegayaan warbixinadda, Unda ayaa saddex jeer laga toogtay madaxa iyo qoorta, isagoo kusii jeeda hoygiisa.

Unda ayaa la sheegay in uu dhowaan kasoo baxay xarun dhaqan-celin ka gedaal markii uu kasoo laabtay Soomaaliya, halkaasoo looga shakiyey in uu kaga biiray ururka gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Isu duwanaha gobolka xeebta, John Elungata, ayaa ku waaniyey shacabka in ay qayb ka noqdaan sugida ammaanka wadada isku xirta Lamu iyo Mombasa, oo dilka Unda uu ka dhacay.

"Badi wadadan waxaa roondo ku sameeya ciidamadda gaar ahaan booliska iyo milatariga," ayuu yiri, isagoo ku daray "Howlgalada ka dhanka ah dambiileyaasha way socdaan".

Dilka Cumar Saalim Unda oo dhacay Talaadadii lasoo dhaafay ayaa kusoo aadaya xili Kenya ay ciidamadeeda gelisay heegan sarre isla markaana laga cabsi qabo in Al-Shabaab ay weeraro ka geysato dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM