Nin qareen u noqday soo celinta dhul aabihii laga boobay isagoo caruur ah

Image

KAMPALA, Uganda – Todobaadkaan hadalhaynta ugu badan ee dalka Uganda waxay tahay Jordan Kinyera, kaasi haatan ah qareen ah, balse ay sheeko ka dambeyso.

Kinyera, oo 23-sano jir ah, ayaa sheegay in ay ku qasabtay in uu mihnadaan galo markii aabihii laga boobay dhul uu lahaa, isaga oo caruur ah.

Dhulka ayaa ku yeelay degmada caanka ah ee Kitgum, taasi oo ku taala waqoyga wadanka Uganda ee bariga Afrika.

Kadib shaqo adag, maxkamada sare ee Uganda ayaa isbuucaan xukmisay in dhulka uu leeyahay aabaha dhalay Kitgum.

"Aad ayaan ugu farax-sanahay, balse waa xanuun, in aan cadaalad raadino wax ka badan 20-sano," ayuu Kinyera u sheegay warbaahinta.

Aabaha dhalay Jordan Kinyera, oo horey u ahaa shaqaale dowladeed ayaa haatan wuxuu jira 82-sano aanan awood u lahayn in uu socdo.

"Casharka aan ka baran karno tani waa in ay mar walba wanaagsan tahay in cadaalad wax lagu radiyo, oo aanan dagaalo iyo rabshado la abuurin," ayuu yiri qof kamida dadka degaanka.

Uganda ayaa kamid ah wadamada qaarada Afrika ku yaala ee muranada dhinaca dhulka ay ku badan yihiin, taasi oo mararka qaar dagaalo ay ka dhashaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda: Museveni oo mar 7aad u tartmayo kursiga, isagoo balan-qaadey inuu la dagaalamayo musuq-maasuqa

Madaxweyne Museveni wuxuu xukunka la wareegay sannadkii 1986 kadib dagaal sokeeye oo shan sano socday.

  • Afrika

    29-06-2025

  • 04:09PM

Maxaabiis Soomaali kamid tahay oo sugaya in lagu fuliyo dil dalka Sacuudiga

Liiska magacyada la helay oo ay ku jiraan 43 Itoobiyaan iyo 13 Soomaali ayaa muujinaya tirada la xukumay.

  • Afrika

    29-06-2025

  • 09:12AM