Nuur Gaaboow, taliyaha booliiska Kenya iyo Gabadha Odinga oo hadal isu mariyay saxaafadda

Image

NAIROBI, Kenya- Taliyaha booliiska Kenya Nuur Gaaboow ayaa Shacabka Kenya ka codsaday in ay ka baaqsadaan tagista isu soo baxyada iyo isu imaatinada maalinta beri ah oo lagu dhowaaqayo natiijadda dacwadda maxkamadda ee ku saabsan murankii ka dhashay doorashada.

Wuxuu sheegay in shacabka ay guryahooda kala socdaan go’aanka garsoorayaasha.

Wuxuu hadlayay waxyar kadib markii Winnie Odinga oo ah gabadha uu dhalay Raila Odinga ay shacabka ugu baaqday in maalinta beri ah ay dhigaan banaanbax nabadeed.

Dhanka kale booliiska ayaa sheegay in dad aad u yar oo shacabka ka tirsan loo ogolaan doono maxkamadda sare, lana xiri doono dhammaan waddooyinka gala maxkamadda.

Taliyaha Gaaboow ayaa shacabka u sheegay in aysan guryahooda ka qixin, islamarkaasna aysan gelin wax cabsi ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM