ONLF iyo HRW oo soo dhaweeyay xariga Cabdi Illey

Image

NAIROBI - Human Rights Watch iyo ONLF ayaa si wayn usoo dhawaysay xariga Madaxwaynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamed Cumar, kaasoo shalay ay xabsiga dhigeen ciidamadda Booliska ee Federaalka.

War qoraal ah oo lasoo dhigay bogga rasmiga ah ee Jabhadda ONLF ku leedahay Twitter-ka ayaa waxaa lagu tilmaamay talaabadda lagu xiray Cabdi Illay mid "sax ah" oo loo qaaday dhanka "isla xisaabtanka iyo cadaaladda".

"Xarigii maanta ee Cabdi Illay waxay talaabo sax ah oo loo qaaday jihadda isla xisaabtanka iyo cadaaladda ay utahay kuwa ku dhibooday intii uu jiray nidaamkiisa kali taslinimadda rabshadaha watay," ayaa lagu yiri qoraalka ONLF ee Twitter-ka.

Nidaamkii Cabdi Illay ayaa lagu eedaynayaa intii uu jiray uu dhibaatooyin kala duwan ugaystay shacabka Soomaali Galbeed, kuwaasoo isugu jira dil iyo ciqaab, taasoo ay wada qireen Ra'iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo Hay'addaha Xuquuqul Insaanka.

"Isaga waxa uu uga tegay dhaxal kharaar, xanuun iyo dhibaatayn shacabka Ogaadeen, taasoo ay tahay mid waajib ah in laga soo bogsado," ayaa lagu sii yiri Bayaanka ONLF ay kusoo daabacday boggeeda xiriirka Bulshadda, gaara ahaan Twitter-ka.

Dadka sida dhow ula socda xaaladda gobolka Soomaali Galbeed ayaa tilmaamaya in nidaamkii Cabdi Illay dhibaataynta shacabka degaanka ay ku riixayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Itoobiya, gaara ahaan hay'addaha amaanka iyo Jabhadda TPLF.

ONLF ayaa farta ku fiiqday lamid ah saraakiisha amaanka ee dowladda Itoobiya, kuwaasoo ay carabka ku dhufatay inay tahay in dhankooda ay wajahaan cadaaladda, islamarkaana sida loo xiray Cabdi Illay, iyagana xabsiga loogu taxaabo.

"Xariga [Cabdi Illay] waxa xiga kara xeritaan deg deg oo lagu sameeyo Jeneraaladda TPLF iyo saraakiisha amaanka sida; Samore Younis iyo Abraham Wolde, oo ay ku jiraan saraakiil kale oo milatari ah, kuwaasoo ku lug lahaa burburin, cabsi gelin iyo xadgudubyo gobolka ah," ayaa la raaciyey.

Samore Younis ayaa wuxuu ahaa taliyiha Ciidanka Difaaca Itoobiya, halka Abraham Wolde uu ahaa Agaasimaha Xabsiga Kality oo ku yaala magaaladda Addis Ababa ee xarunta dalkaas, waxaana labadooda xilka ka qaaday horaantii sanadkaan Abiy Axmed.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in xariga Cabdi Illey uu yahay billowdga cadaalad ay heleen dadkii dhibaatada u geystay maamulkiisa, waxaana ay ku baaqday in kuwii kale ee lasoo shaqeeyay iyaguna cadaallada la horkeeno.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya iyo Jabuuti oo Xoojinaya Iskaashiga Milatari si looga Hortago Khataraha Gobolka Geeska Afrika

Janaraal Teshome ayaa martida Jabuuti ku soo dhaweeyey si kal iyo laab ah, isagoo tilmaamay in Itoobiya iyo Jabuuti...

  • Afrika

    30-07-2025

  • 06:46AM

Alassane Ouattara oo shaaciyey inuu mar afaraad u taagan yahay doorashada Ivory Coast

Ouattara oo 83 sano jir ah ayaa sheegay in caafimaadkiisa iyo dastuurka dalka ay u oggol yihiin inuu xilka sii hayo.

  • Afrika

    30-07-2025

  • 05:22AM