ONLF oo bogaadisay go'aanka xukuumadda Soomaaliya

Image
Jabhadda ayaa ku tilmaamay talaabada xukuumadda Rooble "mid taariikhi oo qarniyada soo aadan la xasuusan doono".

ADDIS ABABA, Ethiopia - Jabhadda xorreynta Ogaadeeniya ONLF oo qoraal soo saartey ayaa bogaadisay go'aanka golaha wasiiradda xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ay ururkaas uga saareen liiska argagixisadda.

ONLF oo qoraal kooban ku daabacdey ciwaanka ay ku leedahay mareegga Twitter-ka ayaa ku tilmaamay talaabada xukuumadda Rooble "mid taariikhi oo qarniyada soo aadan la xasuusan doono".

Sida laga soo xigtey bayaankan, ONLF oo si gaar ah ugu mahadcelisay ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble iyo wasiiradda waxay go'aankan u aragtaa "mid lagu saxay cadaaladii la wiiqay".

"Go'aankan wuxuu cashar u yahay kuwa sida ku talagalka ah ugu xadguduba xuquuqda ay dadka leeyihiin," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah qoraalkan ku qornaa luuqadda English-ka.

Qaraarka burinta ayaa lagu caddeeyay "in Qalbi-dhax ay dowladda Ethiopia u haysatay arrimo siyaasadeed oo maanta aan dambi ka ahayn Ethiopia, Soomaaliyana aan sharcigeedu marna dambi ka dhigin".

"Tan iyo markii uu soo baxay go'aanka burinta, dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Soomaali State way dabaal-dagayaan," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka jabhadda ONLF.

Si lamid ah, qaraarka ayaa lagu caddeeyay in bari-yeelida ONLG loo cuskadey "in Dastuurka Ku Meel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 36aad uu mamnuucayo in qof loo dhiibo dal kale haddii aanu jirin heshiis si cad u fasaxaya isu-dhiibista, qofka la dhiibayana aan eed lagu soo oogin ama aynan maxkamadi xukumin, isla markaana dhiibitiisa aan loo marin waddada sharcigu qeexayo".

Qalbi-dhagax ayaa ah xubin sarre oo ka tirsan jabhadda xoreynta ONLF. Sidoo kale, waxaa uu kamid ahaa ciidamadda xoogga Soomaaliyeed ee qeybta ka ahaa dagaalkii lala galay dalka Itoobiya ee sanadkii 1977-dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM