ONLF oo fahfaahin cusub kasoo saartay kulanka Axmed Madoobe

Image

NAIROBI, Kenya – Xisbiga ONLF ayaa wuxuu si rasmi ah u xaqiijiyey in uu qabsoomay kulan dhexmaray hogaankooda iyo madaxweynaha Jubaland.

Axmed Maxamed Islaam iyo Cabdiraxmaan Mahdi Maadey ayaa isku arkay huteel ku yaala magaaladda Nairobi, caasimadda dalka Kenya.

Labadda mas’uul ayaa tan iyo Axadii todobaadkan kuwada sugnaa magaala madaxda waddanka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee ONLF ayaa waxaa lagu fahfaahiyey qodobadda diiradda lagu saarey shirka.

"Dhinacyadda waxay kawada hadleen qaababka loo horumarin karo nabadda iyo is-fahamka xisbiyadda siyaasadeed ee Geeska Afrika," ayuu u qornaa.

ONLF ayaa haatan gudaha Itoobiya kaga diiwaan gishan xisbi siyaasadeed ahaan, waxayna ka qeybgalayaan doorashadda soo aadan ee sanadka 2020-ka.

"ONLF waxay xoojineysaa muhiimadda ay leedahay is-fahamka wadaaga ee ka dhaxeeya saamileyda iyo la xormeeyo dhaaman," ayay raaciyeen.

Xaqiijintaan ayaa kusoo aadeysa xili ururka uu horey u beeniyay in Kenya ay martigelineyso shirka u dhaxeeya ONLF iyo hogaanka Jubaland.

Wargeyska afka dheer ee Addis Standard ayaa baahiyey macluumaadkaas, isaga oo tilmaamay in arrintaas ay aad uga carootay xukuumadda Addis Ababa.

Itoobiya ayaa haatan ku eedeysan in ay farogelin kawaddo gobolka Gedo ee Jubaland, iyadda oo fulineysa dalab ka yimid Villa Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiriirka kala dhaxeeya maamulka Kismaayo uusan fiicneyn, waxayna qaadacday sharciyadda Axmed Madoobe.

Kenya oo ciidamo ka tirsan AMISOM ay ka joogaan Jubaland ayaa wadada olole ay ku dooneyso in ay Gedo ku geyso madaxweyne ku xixgeenka Jubaland.

Maxamed Sayid Aadan oo ciidanka Itoobiya ee aan ka tirsan AMISOM u diideen Beledxaawo ayaa hadda ku sugan huteel ku yaala magaaladda Mandhere.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM