ONLF oo fahfaahin cusub kasoo saartay kulanka Axmed Madoobe

Image

NAIROBI, Kenya – Xisbiga ONLF ayaa wuxuu si rasmi ah u xaqiijiyey in uu qabsoomay kulan dhexmaray hogaankooda iyo madaxweynaha Jubaland.

Axmed Maxamed Islaam iyo Cabdiraxmaan Mahdi Maadey ayaa isku arkay huteel ku yaala magaaladda Nairobi, caasimadda dalka Kenya.

Labadda mas’uul ayaa tan iyo Axadii todobaadkan kuwada sugnaa magaala madaxda waddanka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee ONLF ayaa waxaa lagu fahfaahiyey qodobadda diiradda lagu saarey shirka.

"Dhinacyadda waxay kawada hadleen qaababka loo horumarin karo nabadda iyo is-fahamka xisbiyadda siyaasadeed ee Geeska Afrika," ayuu u qornaa.

ONLF ayaa haatan gudaha Itoobiya kaga diiwaan gishan xisbi siyaasadeed ahaan, waxayna ka qeybgalayaan doorashadda soo aadan ee sanadka 2020-ka.

"ONLF waxay xoojineysaa muhiimadda ay leedahay is-fahamka wadaaga ee ka dhaxeeya saamileyda iyo la xormeeyo dhaaman," ayay raaciyeen.

Xaqiijintaan ayaa kusoo aadeysa xili ururka uu horey u beeniyay in Kenya ay martigelineyso shirka u dhaxeeya ONLF iyo hogaanka Jubaland.

Wargeyska afka dheer ee Addis Standard ayaa baahiyey macluumaadkaas, isaga oo tilmaamay in arrintaas ay aad uga carootay xukuumadda Addis Ababa.

Itoobiya ayaa haatan ku eedeysan in ay farogelin kawaddo gobolka Gedo ee Jubaland, iyadda oo fulineysa dalab ka yimid Villa Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiriirka kala dhaxeeya maamulka Kismaayo uusan fiicneyn, waxayna qaadacday sharciyadda Axmed Madoobe.

Kenya oo ciidamo ka tirsan AMISOM ay ka joogaan Jubaland ayaa wadada olole ay ku dooneyso in ay Gedo ku geyso madaxweyne ku xixgeenka Jubaland.

Maxamed Sayid Aadan oo ciidanka Itoobiya ee aan ka tirsan AMISOM u diideen Beledxaawo ayaa hadda ku sugan huteel ku yaala magaaladda Mandhere.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Canshuuraha Cusub ee Trump oo Saameysay Dalal Badan oo kamid ah Afrika

Lesotho ayaa markii hore wajahaysay canshuur dhan 50%, balse markii dambe waxaa loo dhigay 15%.

  • Afrika

    09-08-2025

  • 04:41PM

Kenya: Bas Sidday Dad Aas Ka Soo Qaybgalay oo Ku Rogmaday

Mas’uuliyiinta ayaa ku baaqay in si degdeg ah wax looga qabto ammaanka waddooyinka si looga hortago dhacdooyin naxdin leh oo kale.

  • Afrika

    09-08-2025

  • 09:47AM