ONLF oo fahfaahisay Heshiiska Itoobiya, iskana fogeysay war la baahiyay
NAIROBI - Afhayeenka Jabhadda ONLF, Cabdiqaadir Xasan Hirmooge [Cadaani] ayaa fahfaahin wuxuu ka bixiyey qodobada heshiis ay la galeen dowladda Federaalka ah ee Itoobiya.
Munaasabada heshiiska oo ka dhacday magaalada Asmara, ayaa waxaa dhinaca Jabhadda ku metalayey Maxamed Cumar Cismaan, Gudoomiyaha ONLF iyo Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi, Xoghayaha.
Dhanka dowladda Itoobiya waxaa ka socday Wasiirka Arrimaha Dibadda, Workneh Gebeyehu, Wasiirka Maaliyadda, Axmed Shide iyo Madaxwaynaha gobolka Soomaalida, Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar].
Cadaani oo wareysi siiyey laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da ayaa shaaca ka qaaday inay qalinka ku jiideen dhinacyadda heshiis ka kooban saddex qodob, kuwaasi oo bud-dhig u ah geedi socodka nabada ee laguu soo afjarayo colaadda labada dhinac.
- Hoos ka akhriso saddexda qodob -
1 - In la joojiyo colaada ka dhaxeysa dowladda Itoobiya iyo Jabhadda ONLF,
2 - In ONFL loo ogolaado inay si nabad-gelyo ay ku raadsato hamigeeda siyaasadeed,
3 - In la sameeyo Guddi farsamo oo isla eega qodobada keenay dagaalka dowlada iyo ONLF.
Afhayeenka oo si gaar ah wax looga waydiiyay qodobka labaad ayaa daboolka ka qaaday in tani macnaheedu yahay inay wali ku taagan yihiin mowqifkoodii ahaa in gobolka uu noqdo mid ka madax-banaan Itoobiya.
Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed oo heshiisyo la galay maamulkiisa Jabhado kale wuxuu xubno ka tirsan u magacaabay xilal, Cadaani oo la su'aalay hadii ay arrintaasi qayb ka ahayd wadahadalada ayaa meesha ka saarey warkaasi, oo waxba kama jiraan ku tilmaamay.
"Inaga ma nihin dad xildoon ah ama kuraas dooneysa, Jabhadda waxay dooneysaa in gobolka Soomaalida uu noqdo madax banaan oo xuquuqda ka maqan soo hela, marka xil magacaabis meesha kuma jirto," ayuu xusay.
Mar si gaar ah loo su'aalay inay dhinacooda diyaar u yihiin in xil loo magacaabo xubno ka tirsan ayuu ku nuux-nuux saday Cadaani in taasi loo baahan yahay in Jabhadda iyo shacabka ay kawada hadlaan.
"Arrintaa Ururka ayaa la hor-dhigi doonaa, laakiin illaa iyo haatan taasi kama mid ahan hadalka siyaasiga ah, dadka Soomaaliyeed aayo ka talin-tooda, maal-gelin dhulkooda, sida isku maamulayaan, madax banaanidooda, dadka Soomaaliyeed ayaan wali u doodeynaa, walina uma soo dhaadhicin arrintaasi [xil-qabasho]. Dadka Soomaaliyeed waardiyo ayaan ka haynaa, in aanan la jiir-jiirin baynu dooneynaa, mana nihiin wali Urur ku mashquulsan inuu meesha [dowlada Federaalka ama maamulka degaanka] iska dhex-arko," ayuu hadalkiisa kusoo xiray Afhayeenka ONLF.
ONLF oo bilooyin ka hor ku dhawaaqday xabad-joojin hal dhinac ah, ayaa dagaallo waxay kula jirtay dowlada Federaalka Itoobiya tan iyo sanadkii 1984, iyadoo sheegtay inay u dagaalameysay madax-banaanida Soomaalida degan dhulka Ogaadeeniya.
Ujeedada ugu weyn ee Abiy Axmed Maamulkiisa Heshiis ula galay ONLF ayaa ah in si nabad ah degaanada Ururkan uu ka dagaalami jirey looga soo saaro shidaalka ku jira, oo la sheegay in laga helay gaas iyo saliid, waxaana soo saaraya shirkad laga leeyahay China oo lagu magacaabo POLY-GCL Petroleum, oo ka qoday gobolka labo ceel 2013.
GAROWE ONLINE