ONLF oo ka hadashay isbedalka hogaanka maamulka Soomaalida Itoobiya
(GO)-Jabhadda ONLF ayaa soo dhaweysay isbedalka ku yimid hogaanka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, inkasta oo ay walaac ka muujiyeen mas‘uulka cusub ee la wareegay Maaxtooyadda oo ay ku tilmaameen inaanu waxba ka duwanaan doonin ninkii isaga horeeyay.
Axmed Cabdi Sheekh Maxamed, ayaa loo xushay Madaxwaynaha cusub ee DDSI, isaga oo xilka kala wareegay Cabdi Maxmuud Cumar [Cabdi Illey], kaasoo la sheegay inuu is-casilay, waxayna ka dambeysay maalmo xiisado ay ka jireen degaanka.
Afhayeenka Jabhadda ONLF, Cadaani Hirmooge oo warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in wallow ay saluugsan yihiin siday wax u dhaceen, hadana wuxuusan meesha ka saarin inay tahay wax muhiim ah in fursad la siiyo Madaxwaynaha cusub.
"Ninka cusub ee xilka loo dhiibay waa qof dhalinyaro oo ka tirsan maamulka jira. Laakiin aan ku lug-lahayn dhibaatooyinka dhacaya. Waxayna ka wanaagsan tahay intii ay dowlada Federaalka soo xuli ahayd. Waana inaan waqti siinaa," ayuu Cadaani xusay.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa mar kale dhaleecayn dusha uga tuuray dowladda Federaalka Itoobiya oo uu ku eedeeyay inay fara-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee dowlad degaanka Soomaalida, taasoo uu sheegay inaanu ka jirin gobolada kale.
"Maamulka cusub ee Itoobiya, waxaan u haysanay mid jecel inuu la hadlo Soomaalida, oo uu kala hadlo waxay tabanayaan, laakiin ma aysan ahayn in awood ciidan lagu muquuniyo. Taasiina waxay ka duwan wixii aan ka filaynay," ayuu hadalkiisa raaciyay.
Ugu dambeyn, Cadaani Hirmooge, Afhayeenka Jabhadda ONLF oo ka hadlay xaaladaihii ugu dambeeyay ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa tilmaamay inay ka dambeeyaan siyaasiyiin kasoo horjeeda isbedalka Itoobiya ka socda.
"Waxa qaska iyo fowdada wada waxay tahay waa siyaasiyiin kasoo horjeeda isbedalka Itoobiya ka socda. Walina waxaa sii socda dilka, marka inaga mar walba waxaan diyaar u nahay wadahadal, shacabka degaanka hal saftaan Jabhada si aan u dhacsano xaqeena," ayuu kusoo xiray.
GAROWE ONLINE