ONLF oo ku biirtay isbaheysi mucaarad ah oo lagu dhawaaqay

Image
Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Hogaanka ONLF ayaa qalinka ku duugay kamid noqoshada isbaheysi mucaarad ah oo looga dhawaaqay dalka Itoobiya.

Isbaheysiga isku dhafka ee dimuqraadiyada iyo federaalka waxaa ku midoobay kooxaha mucaaradka ee ugu tunka weyn gudaha Ethiopia.

Mas'uuliyiin horkaceysa is-xulafeysiga ayaa sheegay in golahooda uu u taagan yahay ilaalinta xuquuqda waddanka iyo dadka.

Kooxahaas isbaheystay ayaa loolan adag la geli doona xisbiga cusub ee ra'iisul wasaare Abiy Axmed kaasoo lagu magacaabo Barwaaqa Sooranka.

Dhinacyadan ayaa ku tartami doona doorashooyinka soo aadan ee Itoobiya, taasoo qorshuhu yahay in ay dhacdo bisha August ee sanadkan 2020.

Kadib markii uu xafiiska yimid April, 2018, Abiy ayaa albaabada u furay kooxaha mucaaradka, isagoo la galay heshiis ay siyaasada uga mid noqonayaan.

Doorashooyinka kusoo fool leh Itoobiya ayaa ka duwan kuwii hore, sababtoo ah tahay waa mid isha loogu hayo sanadkan maadaama isbedel uu yimid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray joojinta qorista muwaadiniinta Kenya ee ciidamada Ruushka

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo Kenya ay walaac ka muujisay wararka sheegaya in muwaadiniinteeda lagu qortay ciidamada Ruushka.

  • Afrika

    31-10-2026

  • 05:16AM

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM