ONLF oo ku biirtay isbaheysi mucaarad ah oo lagu dhawaaqay

Image
Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Hogaanka ONLF ayaa qalinka ku duugay kamid noqoshada isbaheysi mucaarad ah oo looga dhawaaqay dalka Itoobiya.

Isbaheysiga isku dhafka ee dimuqraadiyada iyo federaalka waxaa ku midoobay kooxaha mucaaradka ee ugu tunka weyn gudaha Ethiopia.

Mas'uuliyiin horkaceysa is-xulafeysiga ayaa sheegay in golahooda uu u taagan yahay ilaalinta xuquuqda waddanka iyo dadka.

Kooxahaas isbaheystay ayaa loolan adag la geli doona xisbiga cusub ee ra'iisul wasaare Abiy Axmed kaasoo lagu magacaabo Barwaaqa Sooranka.

Dhinacyadan ayaa ku tartami doona doorashooyinka soo aadan ee Itoobiya, taasoo qorshuhu yahay in ay dhacdo bisha August ee sanadkan 2020.

Kadib markii uu xafiiska yimid April, 2018, Abiy ayaa albaabada u furay kooxaha mucaaradka, isagoo la galay heshiis ay siyaasada uga mid noqonayaan.

Doorashooyinka kusoo fool leh Itoobiya ayaa ka duwan kuwii hore, sababtoo ah tahay waa mid isha loogu hayo sanadkan maadaama isbedel uu yimid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM