ONLF oo ku dhawaaqey xisbi siyaasadeed ka qeyb-galaya doorashada DDSI
JIGJIGA - Jabhadda xorreynta Ogaadeeniya, ONLF, ayaa si rasmi ah waxaa loogu bedalay maanta oo Talaado ah xisbi siyaasadeed oo ka jira dhulka Soomaali Galbeed, sidda ay ku dhawaaqeen hogaanka sare ee Jabhadda.
Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahdi, xoghayaha arrimaha dibadda ee ONLF, kaasi oo war-fidiyeenka kula hadlay magaalada Jigjiga ee xarunta DDSI ayaa shaaciyay inay doorashada 2020 ka qaybgalayaan.
Mahdi ayaa hoosta ka xariiqay inay Ishabeysi la sameysan doonaan xisbiyo siyaasadeed oo haatan ka jira degaanka iyo kuwa cusub oo uu carabka ku dhuftay in kahor coddeynta la aas-aasi doono.
"Dhamaan tasiilaadii noo suurtagelin lahaa inaan doorashada ka qayb-qaadano, ayaa rajeynaynaa inaan helno kahor inta aan la gaarin maalinta cod-bixinta,” ayuu yiri Xoghayaha oo hadalkiisa sii wata.
Xoghaye Cabdiraxmaan oo sii hadlaya ayaa meesha ka saarey in go’aanka qaateen uu ka dhigan yahay inay ka tanaasuleen hadafkoodii ahaa inay raadiyaan midnimada, inkasta oo uu muujiyay inay wa xoogaa soo dabceen.
"Markii hore inaga waxaa na caburinayey maamulkii halkaan ka jiray…Marka hadda waxa isbedalay waa maamulkee ma ahan inaga,” ayuu ku jawaabay markii ay suxufiyiinta su’aallo waydiiyeen.
Ugu dambeyntii, Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahdi, xoghayaha arrimaha dibadda ee ONLF, ayaa kalsooni aad u balaaran waxa uu ka muujiyay in Isbedalka siyaasadeed ee degaanka ka curtay uu noqdo mid cago badan ku taagnaada.
Talaabada ay qaaday ONLF ayaa soo deg degay markii sanadkii hore 2018 ay heshiisyo la gashay dowlada Federaalka Itoobiya iyo maamulka dowlad degaanka Soomaalida dalkaasi, kaasi oo ay ku helayaan metalaad siyaasadeed.
GAROWE ONLINE