ONLF oo cadeysay mowqifkeeda Gaaska laga helay Somali State
JIGJIGA, Soomaali Galbeed – Jabhadda xorreynta Ogaadeeniya ee ONLF ayaa caddeysay mowqifkeeda ku aadan keydkii ugu badnaa Gaaska dabiiciga ah ee laga helay gobolka Soomaalida Itoobiya.
Wasaarada Bartoolka xukuumadda Addis Ababa ayaa todobaadkaan waxay ku dhawaaqday in Gaaska oo laga helay degaanka Hala-quraan uu cabirkiisu gaarayo 1.6 Trillion Cubic Feet.
Cadaani Hirmooge, afhayeenka ONLF oo soo dhaweeyay Gaaskaasi la helay ayaa saluugay doorka soo saarista kheyraadkaasi ay ku leeyihiin maamulka degaanka, ONLF iyo shacabka.
Shirkad laga leeyahay dalka Ingiriiska oo la yiraahdo New Age [African Global Energy Ltd] ayaa soo heshay keydkaasi oo la sheegay in ay halkii maalin laga soo saari karo in ka badan afar fuusto.
"Kheyraadkaasi waa mid ay leedahay Soomaali, waxaana dooneynaa in ay maamulka degaanka Soomaalida, shacabka iyo ONLF ay door ku yeeshaan," ayuu u sheegay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da.
Sidda laga soo xigtay afhayeenka, waxaa jiray kulamo ay Jabhadu la yeelatay wasaarada Bartoolka. "Waxaanu kawada hadalnay in ay degaanka xafiisyo ku yeeshaan iyo kaalinteena," ayuu raaciyey.
ONLF ayaa bishii April 2007-dii waxa ay weerartay howlwadeeno u dhashay Shiinaha kuwaasi oo Shidaal kasoo saarayey degaanka xiligaasi oo ay colaad kala dhaxeysa maamulkii gobolka ka ariminayey iyo dowlada federaalka.
Balse haatan isu soo dhowaanshiyo ayaa jira taasi oo ka dambeysay markii heshiis nabadeed ay sanadkii hore kala saxiixdeen labada dhinac, isla markaana keentay in ciidamada Jabhada ay degaanka kusoo laabtaan.
"Heshiiska iyo kulamada aan la yeelanay wasaarada Bartoolka waxaan isku raacnay in dib loogu laabto heshiisyadii horey ee kheyraadka degaanka, waana rajeynayaa in ay dhici doonto," ayuu daba dhigay.
Sidda uu xeerinayo dastuurka Itoobiya, kheyraadka dabiiciga ah ee laga helo gobolada waxaa qoondo ku leh dowlada iyo is-maamul degaanada, balse ONLF ayaa u aragtaa arrintaasi "mid lagu dhacayo hantida Soomaaliyeed".
"Xeerarka lagu dhacayo hantida Umada Soomaaliyeed iyo qow-miyadaha kale, waa wax ay iska xariiqdeen maamulkii hore, marka waxaanu dooneynaa in wax laga bedelo," ayuu afhayeenka ku daray.
- Degmooyin lasoo celiyay –
Golaha Wasiirada dowlad degaanka ayaa todobaadkii hore go’aamiyey in dib loosoo celiyo degmooyinka Candhuufo, Cadeyto iyo Garba Ciise oo maamulkii Cabdi Illay uu u gacan-geliyey Canfarta.
Cadaani Hirmooge oo talaabadaasi si gaar ah wax looga waydiiyay ayaa bogaadiyey, isaga oo ku amaanay mas'uuliyiinta go'aanka "geesinimada leh ee ay qaadeen".
"Dhulka Soomaaliyeed maamul Soomaali ah, ku dhaqan ah, kuna af ah ayaa ka talin kara … Canfarta waa walaalaheen, waxaana loo siiyey iska hor-keen ay siyaasadi ka dambeyso," ayuu xusay.
ONLF oo la aas-aasay wixii ka dambeeyay burburkii Soomaaliya ee 1991-dii ayaa tan iyo xilligaasi u taagan sidii shacbiga Soomaaliyeed ee ku nool Itoobiya ay u heli lahaayeen matalaad dhab ah.
"Waxa aan u taagan nahay waa difaaca shacabka Soomaaliyeed iyo xuquuqdooda, waana u taagnaan doonaa," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Cadaani Hirmooge, afhayeenka Jabhada ONLF.
Gaaska laga helay degaanka Soomaalida oo soo saaristiisa dhowaan bilaaban doonta ayaa waxaa xigta suuq-geyn xili Itoobiya ay sanadkii ka heli doonta in ka badan afar bilyan oo dollar.
GAROWE ONLINE