ONLF oo si kulul uga jawaabtay hadal kasoo yeeray Abiy Axmed
NAIROBI (GO)-Kadib markii Ra'iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Dr Abiy Axmed oo ka hadlay Shidaalka laga helay dhulka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ee Kalinka Shanaad oo uu shaaca ka qaaday in Qowmiyada Soomaalida ay ku leeyihiin Saami dhan 5% ayaa waxaa si carro leh uga jawaabay Jabhadda ONLF.
Afhayeenka ONLF Cadaani Hirmooge oo u waramay Laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da ayaa daboolka ka qaaday in gabi ahaanba ay kasoo horjeedaan hadalka Abiy Axmed isaga oo tilmaamay in xitaa aysan ku qancayn hadii laga siiyo saami qaybsiga dhan 50%.
Wuxuu ku nuux-nuux saday in maadaama meesha Shidaalka laga helay ay tahay Dhul Soomaaliyeed, ayna degan yihiin Soomaali ay muhiim tahay in lasiiyo dhamaan Kheyraadka, inkasta oo uu cadeeyay inay diyaar uyihiin inay kala xaajoodaan arrinkaas dowladda Federaalka.
"Marka hore waa in Itoobiya ay caddeyso in lays diidan yahay, oo Soomaalida laga galay qalad fara badan oo la takooray oo la dilay. Kadibna wax badan laga bedalo, oo ay ugu horeyso siyaasadda. Arrinta Shidaalka 100% waxaan ahayn ma dooneyno," ayuu Cadaani Hirmooge yiri.
Madaxwaynaha Kalinta Shanaad Cabdi Cumar Maxamed [Cabdi Illey] ayaa mar sii horeysay uga dhawaajiyay in hadii dhul kamid ah dowlad degaanka laga helo Shidaal ay kala heshiiyeen dowladda in lasiiyo iyaga 40%, laakiin warkaas waxaa gaashaanka ku dhuftay Cadaani Hirmooge.
Shidaalka oo laga helay degaannada Kaali iyo Ilaalo oo ka tirsan dhulka Soomaalida Itoobiya ayaa ah mid ceyriin ah, waxaana soo saartay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo Poly-GCL xili lagu qiyaasay 6 ilaa 8 Trillion Cubic Feet.
Jabhadda ONLF ayaa sanadkii 2007-dii waxay weerartay Goob shidaal laga baarayay oo ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, halkaasoo ay ku dileen 11 Injineer oo udhashay dalka Shiinaha, xili haatan laga cabsi inay taasi oo kale ay dhacdo.
Hadalada iska soo horjeeda ee kasoo kala baxay dowladda Itoobiya iyo Jabhadda xorreynta Ogaadeeniya ee ONLF ayaa waxaa loo arkaa mid xiisadda ku aadan Shidaalka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya sarre usii qaadeysa inkasta oo labadda dhinac ay isku soo dhawaansho ka jiro tan iyo intii xilka la wareegey Abiy Axmad.