ONLF: Qoriga waan dhignay, Qalinka ayaan ku dagaalameynaa

Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Jabhadda xorreynta Ogaadeeniya ee ONLF ayaa xafiis cusub waxay ka furatay magaaladda Addis Ababa, caasimadda waddanka Itoobiya.

Sidda ay sheegeen mas'uuliyiin u hadashay ururkaasi, xafiiskaasi ayaa ah mid ka shaqeyn doona arrimaha siyaasadda iyo diblumaasiyadda.

Tani ayaa qeyb ka ah heshiis dhaqdhaqaaqan sanadkii hore uu la galay dowladda uu hogaamiyo ra'iisul wasaare Dr Abiy Axmed.

Heshiiska ayaa waxaa ku jira in hubka ay dhigaan, ciidamadana ku wareejiya is-maamulka Soomaalida iyo in ay noqdaan xisbi siyaasadeed.

Xisbiga mar sii horeysay ayay ku dhaqaaqeen, waxayna tibaaxeen in ay ka qeybgeli doonan doorashada degaanka ee 2020-ka xili qodobada kale la fuliyey

Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahdi, xoghayaha guud ee Jabhadda ONLF ayaa wuxuu qeexay in ay wax kasta oo xuquuqda gobolka ah ay ku raadinayaan qaab nabdoon.

"Qariga waanu dhignay, waxaan ku dagaalami doonaa qalinka" ayuu Sheekh Mahdi ku sheegay wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyey VOA-da.

ONLF ayaa la dagaalameysay dowladda Itoobiya iyo sanadkii 1991-dii xili halgankooda uu ku saleysnaa xuquuqda gobolka Soomaali Galbeed.

Arrimaha ay Jabhaddu dooda ka qabtey ayaa waxaa kamid ah; matalaada siyaasadeed ee gobolka, qeybsiga kheyraadka iyo arrimo kale oo masiiri ah.

Gobolka Soomaalida ayaa dhowaan laga helay shidaal, kaasi oo la sheegay in qeybta ugu badan ay dadka degaanku yeelan doonan, wallow ay ONLF su'aal gelisay hadii ay dowladdu ka dhabeyn doonan sharcigaasi.

Isbedelka ka curanaya degaanka ayaa yimid markii la xiray Cabdi Maxamuud, madaxweynihii hore ee DDS, kaasi oo haatan xabsi ku jira isla markaana sugaya maxkamad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM