ONLF sidee u aragtaa talaabada Milatariga ku qabsaday Jigjiga?
JIGJIGA - Jabhadda ONLF ayaa waxay si kulul uga hadashay xaaladda kacsan ee Magaaladda Jigjiga, taasoo Axadda maanta ah laga dareemayo deganaansho aan caggo badan ku taagneyn, sida laga soo xigtay dadka ku sugan caasimada DDSI.
Afhayeenka ONLF Cadaani Hirmooge oo wareysi siiyay Laanta Af-Soomaaliga ee BBC, ayaa wuxuu si kulul u cambaareeyay talaabadda ay Milatariga Itoobiya ku qabsadeen Jigjiga, isaga oo ku tilmaamay mid caddeynaysa "gemeysiga Itoobiya degaanka ku hayto".
Cadaani Hirmooge ayaa saluug ka muujiyay talaabaddaan oo uu daboolka ka qaaday inay ahayd wax aysan filanayn, isaga oo shacabka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ugu baaqay inay midoobaan, islamarkaana ay difaacdaan "dadnimadooda iyo sharafkooda".
"Hadaad i waydiiso sideed u aragtaan? Waxaan dhihi karaa waxay noqoneysaa talaabada Milatariga ku qabsaday Jigjiga wax aanan filaynayn. Waxayna kamid tahay Gumeysiga lagu hayo Shacabka degaanka, oo hadda ubaahan inay midoobaan," ayuu uyiri Cadaani Hirgmooge.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Afhayeenka Jabhadda ONLF shaaca ka qaaday inay muhiim ahayd in degaanku ka dhoco isbedal, balse wuxuu cod dheer ku qeexay in wadada loo maray ay ahayd mid aanan "sax ahayn", siduu hadalka udhigay.
"Abiy Axmed waxaan u haysanay nin ogol wadahadal, laakiin kama filaynanin inuu awood iyo muquunis adeegsan doono. Shacabku wuxuu ubaahan yahay isbedal, laakiin waa inuu noqdo isbedal ku yimaado si nabad ah ee ma ahan in Gadiid dagaal lasoo qaato oo dadka la baqdin geliyo," ayuu ku daray hadalkiisa.
Afhayeenka Jabhadda ONLF ayaa ku nuux-nuux saday in iyaga ay diyaar uyihiin wadahadal mirro dhal ah, si loo soo afjaro colaadaha gaamuray ee ka jira dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, kuwaasoo dad badan lagu dilay, kuwa kalen ay ku barakaceen.
Rabashadii shalay ka dhacay Jigjiga, xarunta DDSI, waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen wax ka badan 30 oo isugu jira kuwa beegsadeen Shacabka degaanka oo kaoso jeeda Qowmiyadaha kale, iyo dad ku geeryooday Rasaas nool-nool oo aan la ogayn cida ridaysay.
GAROWE ONLINE