Paddy Ahenda: Safiirkii Kenya u fadhiyay Qatar oo geeriyooday

Image
Waxa uu ahaa ergayga Kenya ee Qatar tan iyo sanadkii 2018, markaasoo uu magacaabay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

NAIROBI, Kenya - Sida walaalkii Gabriel Ahenda uu sheegay, xildhibaankii hore ayaa subaxnimadii Isniinta ku geeriyooday magaalada Doha ee dalka Qatar.

Safiirka ayaa loola cararay Isbitaal waxaana la dhigey (ICU) oo ah qeybta daryeelka deg dega dhamaadki todobaadkan, ka hor inta uusan ku dhicin istaroog kuleyl ah.

Paddy Ahenda waxa uu soo noqday Xildhibaan matala Kasipul Kabondo intii u dhaxaysay 2005 iyo 2007, waxa uuna ka tirsanaa xisbiga LDP.

Waxa uu ahaa ergayga Kenya ee Qatar tan iyo sanadkii 2018, markaasoo uu magacaabay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Geeridiisu ayaa ku soo beegantay laba bilood ka dib geeridii danjirihii Kenya u fadhiyay dalka Nigeria, Wilfred Machage.

Xoghaya Wasaaradda Arimaha Dibada, Raychelle Omamo ayaa sheegtay in Machage uu ku xanuunsaday guriga waxaana la sheegay in uu ku dhintay Isbitaalka wax yar ka dib abaare 12.30pm magaalada Abuja ee dalka Nigeria.

Xaaskiisa ayaa la joogtay markii ay dhaceysay dhacdadan foosha xun.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku ammaanay Machage, oo 65 jir ahaa, inuu yahay siyaasi rug-cadaa ah, dublamaasi dhammaystiran iyo shaqaale dawladeed oo ay ka go'an tahay inuu dalka si hagar la’aan ah ugu adeego.

"Dr Machage waxaa lagu xasuusan doonaa sannado badan oo uu u soo shaqeeyay dowladnimada iyo in uu ka mid ahaa dhaqaatiir caafimaad, siyaasiyiin, wasiiro iyo diblomaasiyiin si hagar la'aan ah uga shaqeynayay wanaagga Kenyaanka," ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxa uu intaa ku daray, "Siyaasi ahaan, Dr Machage wuxuu ahaa nin si weyn ugu doodi jiray danaha dadka uu matalo gaar ahaan qabiilada Kuria iyo Migor ee uu ku matalayey Golaha Qaranka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xuduuda Eritrea, iyadoo laga cabsi qabo dagaal cusub

Asmara ayaa sheegtay in eedeymaha Addis Ababa ee ku saabsan duullaanka ciidamada Eritrea ay u dhigmaan “ku dhawaaqid dagaal”.

  • Afrika

    14-10-2026

  • 06:08AM

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM