Pierre Nkurunziza: Madaxweynaha Burundi oo u dhintay wadna xanuun

Image

GITEGA, Burundi - Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza oo 55-jir ahaa, ayaa u geeriyooday wadno xanuun, sidda ay warbaahinta caalamka lasoo xigatay dowladda.

War-saxaafadeed kasoo baxay xukuumadda oo saxaafadu heshay ayaa lagu xusay in Sabtidii la dhigay Isbitaal kadib markii ay soo food-saartay xaalad caafimaad darro.

Bayaanka ayaa lagu xusay Axadii xaaladiisa caafimaad ay xoogaa soo fiicnaatay balse ay fashilmeen dedaalo la doonayo in uu kaga soo kabto wadna xanuun kusoo booqdey.

Mr Nkurunziza ayaa waxaa qorshuhu ahaa in uu xafiiska ku wareejiyo Evariste Ndayishimiye oo bishii lasoo dhaafay loo doortay madaxweynaha xiga ee waddankaas.

Xilli uu xafiiska joogay tan iyo 2005-tii, Nkurunziza ayaa wajahayey eedeymo ku aadan cadaadinta siyaasiyiinta mucaaraadka. Bisha August ayaa lagu waday in uu xilka ka dego.

Ndayishimiye oo ah Jeneraal howlgab noqdey ayaa marka uu xilka ka wareego wuxuu madaxweyne ahaan doonaa muddo todoba sano ah, sidda uu xeerinayo dastuurka Burundi.

Hogaamiyeyaasha caalamka ayaa durba bilaabay in ay ka tacsiyeeyaan geerida Nkurunziza, iyagoo u rajeeyay naxariis. Waxay sheegeen in ay murugada la qeyb-sanayaan qoyska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM