Qaabka ay Kenya "ugu hafatay" wada hadaladda badda ee Soomaaliya
NAIROBI, Kenya – Kenya ayaa "ku hafatay" wada hadalado ay rajeyneysay in ay xal u keeni karaan muranka xuduud badeedka ee kala dhaxeysa Soomaaliya, sidda uu Isniinta maanta ah lagu daabacay Daily Nation.
Dhamaan tusmooyinka ayaa muujinaya in mas'uuliyiinta ay xukuumada Nairobi u xil-saartay arrintan ay fashilmeen bilowgii wada hadaladda laga dhaadhiciyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Hadda Soomaaliya ayaa dooneysa in ay isticmaasho sharciga Kenya – sida Axdiga Biyaha Badda ee 1972, Axdiga Aagaga Badda ee 1989 iyo Xeerka Guud – si ay u hantido goobta la isku hayo oo 150 KM isku wareeg ah.
Sidda laga soo xigtay wareysiyo iyo qoraalo loo gudbiyey ICJ, qorshaha Nairobi waxaa wiiqay kooxda wada hadalka Kenya oo ay horkacayeen mas'uuliyiin ka socda Xeer-ilaalinta iyo Xafiiska Xuduudaha Caalamiga ah.
Sababtaas awadeed, Kenya ayaa waqti xaadirkan waxay khatar ugu jirtaa in ay noqoto dal aan bad lahayn. Si lamid ah, waxay halis ugu jirtaa in ay bixiso malaayiin dollar oo magdhow ahaan loogu ganaaxi karo.
Dibloomaasiyad liidata
Mas'uuliyiinta kaliya ma aysan sameynin cagojiid iyo dib-u-dhac; xitaa waxay joojiyeen wada hadalo laba geesood ah oo qabsoomi lahaa July illaa iyo August 2014-kii; tani ayaa Muqdisho ku riixday in ay ICJ u dacwooto.
"Markii Qaramada Midoobay waydiisay Kenya hadii Soomaaliya ay kiiskan horey u sii wadi karto, Kenya ayaa tiri 'Haa', tani waxay ahayd khalad weyn," ayuu joornaalka kasoo xigtay illo wareedyo uusan magacaabin.
Sidaasi awadeed, Kenya ayaa u ogolaatay Soomaaliya in ay kiiska u gudbiso ICJ oo uu hogaamiyo Cabdiqawi Axmed Yuusuf, shaqsi Soomaali ah.
Tani ayaa waxay u muuqataa in ay meesha ka saartay in galka lagu xalin karo meel ka baxsan Maxkamadda Cadaaladda Aduunka.
Sidda laga soo xigtay dhowr illo wareed, mas'uuliyiinta Kenya ayaa ku guuldareystay in ay hirgeliyaan xaaladahooda diblumaasiyadeed si ay Soomaaliya ugu qanciyaan in ay kasoo laabato ICJ.
"Aniga waxaan u maleynayaa in aan muujinay waayo aragnimo xumo bilowgii. Waxaa jira dad badan oo dareemay in waqtigaas aan lacag sameyno ay ka fiicneyd in aan raadino danaha dalka," ayuu raaciyey.
Daneyn la'aan
Intii lagu guda jiray wada xaajoodyadii Maaj illaa iyo July 2014-kii waqtigaasi oo la rumeysan yahay in ay Kenya uga baxday 29 milyan oo Doollar, wafdiga Nairobi wuxuu ahaa 50, halka Soomaaliya ay ka socdeen laba xubnood.
Sababtaasi awadeed xeer-ilaalinta ma aysan kiiskan u xalin sidda loo baahnaa si lamid ah xafiiska xuduudaha caalamiga ah – labadood waxay ku guuldareysteen in ay meel wanaagsan gaarsiiyeen wada hadaladda.
"Maskax ahaan waxay ahaayeen kuwa u arkayey kiiska mid yar; maadaama Soomaaliya ay ahayd dowlad fashilantay ma aysan la tacaali karin arrintan," ayuu hadalkiisa ku daray qofka xogta dusiyey.
Halkaas waxaa ka muuqatay in wafdiga uu ahaa mid aanan dhexdiisa iska war-hayn. Kenya waxay ku fashilantay in ay kasoo qeybgasho shirar kale. Iyadda oo ay Soomaaliya fursad kale bixisay, ma bixin raali gelin.
Balamo ka bax
Kulankii ugu horeeyay, 19-kii Febraayo 2014, waxa Nairobi yeeshay ra'iisul wasaarihii Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed, iyo madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto. Is-aragyo kale ayaa xigay Maaj iyo July.
Balse Kenya ayaa ka baxday balanta kulankii la qorsheeyay in 25-26 August ee 2014-ka uu ka qabsoomo magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.
"Soomaaliya si is-dabajoog ah ayey u dooneysay xaqiijinta in wafdiga Kenya ay wada hadalada wareega labaad u imaanayan Muqdisho; Kenya ma aysan jawaabin xitaa wafdi uma dirin Muqdisho," ayaa lagu yiri qoraalka loo diray ICJ.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waqtigaas kadib u aragtay wada hadalo kale kuwa aanan macno lahayn. Sidaasi awadeed waxay qaadatay go’aan ay qaraar muranka ugu raadineyso sharci caalami ah.
Xeeladaha dib u dhigista
Sidda uu qoray wargeyska, Soomaaliya ayaa eedeynta fashilka burburka wada hadaladda dusha ka saartay Juster Nkoroi, madaxa Xafiiska Xuduudaha Caalamiga ah ee Kenya, kaasi oo sidoo kale hogaaminayey wafdiga.
"Sidda iska cad, waa halkaas meesha ay Kenya ku lumisay kiiska, ma noqon karto Soomaaliya maxaa yeelay waxay bandhig fiican ku sameyneysaa The Hague; Kenya waxay eeda u leedahay waa in ay muujisay dedaal yari".
Qormadda jaraa'idka ayaa lagu soo gabagabeeyay in Kenya ay kaliya kiiska ka filan karto rajo xumo iyo argagax maadaama ay ka muuqato diyaarsanaan la'aan, halkii looga baahnaa adkeysi iyo kalsooni.
Xukuumadda Nairobi ayaa doorbiday in Maxkamadda ICJ ay dhageysiga gal-dacwadeedkan dib ugu dhigto muddo hal sano ah ama in dib boorka looga jafo wada-xaajoodyo cusub oo ka baxsan nidaamka garsoorka.
GAROWE ONLINE