Qaad la doonayay in badda laga soo geliyo Soomaaliya oo la gubay

Image

NAIROBI, Kenya – Ciidamadda Badda Kenya ayaa aaga Barakuda ku qabtay laba doon oo waday shixnad Qaad lagu qiimeeyay in ka badan 200-kun oo Doolar lana doonayey in lasoo geliyo Soomaaliya.

Dhowr qof oo la socday doonyaha ayay ciidamaddu xabsi u taxaabeen, kuwaas oo wajihi karo xukun xabsi iyo ganaax.

Sawirro laga soo qaadey goobta lagu qabtay ayaa muujinaya in saraakiisha ay kadib dab-qabad siiyeen maandooriyaha.

Xukuumadda Nairobi ayaa horey u mamnuucday dhoofinta Qaadka, oo ay ku sheegtay in uu ka qeyb-qaadan karo faafitaanka Coronavirus, oo dalkaas laga xaqiijiyey in ka badan 100 kiis.

War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamada Badda ayaa lagu bogaadiyey ciidamadda gacanta ku dhigtay shixnadaas.

"Coronavirus ma ahan mid kaftan ah, waanu fahansanahay in sababta ay dadka ugu hogaan-sameyn ay tahay in wali aysan rumeysan halista, laakiin ma ogolaan doonin jebinta amarada," ayaa lagu yiri.

Bishaan April 3-deeda ayay ahayd markii Qaad la doonayey in lasoo geliyo Soomaaliya si dhuumaaleysi iyaddoo la adeegsanayo gaadiid lagu qabtay inta u dhaxeysa Lamu-Garsen, waana la gubay.

Sidda ku xusan bayaanka, ganacsada waxaa lagu boorinayaa in ay joojiyaan dhoofinta Qaadka, una go'aan-samaan amarka xukuumadda oo ku goodisay in ay ciqaabi doonto ciddii jebisa.

Soomaaliya ayaa kamid ah suuqa ugu weyn ee ganacsatada Qaadka Kenya. Dalkaan leh xeebta ugu dheer Afrika, wuxuu xaqiijiyey sideed kiis oo laba kamid ah bukaanada lagu qaadiisyey magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM