Qaramada Midoobay soo farogelisay xiisada Soomaaliya iyo Kenya
NAIROBI, Kenya – Saxaafadda maxaliga ah oo mudooyinkii dambe si gaar ah uga hadlaysay khilaafka Soomaaliya iyo Kenya ee dhanka xuduud badeedka ayaa waxay maanta oo Talaado soo baxay macluumaad dheerad ah.
Wargeyska The Standard ayaa daabacay in dowladda Kenya ay xusul-duub ugu jirto farogelin dhanka Qaramada Midoobay ah si gaar ah Golaha Ammaanka oo ku aadan in uu soo kala dhex-galo labada waddan ee deriska ah.
Joornaalka oo aanan soo bandhigin caddeymo ayaa shaaciyey in xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay, António Guterres, uu sheegay in khilaafkan uu halis ku yahay amniga iyo nabadda gobolka Geeska Afrika.
Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Kenya, Monica Juma, ayaa shaacisay in dalabka ku aadan in Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa ay il gaar ah ku eego murankan laga gudoomay laba isbuuc kahor.
"Laba todobaad kahor, arrintan waxaa qabtay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo u gudbiyey Golaha Amaanka, waxaana la isku raacay in ay halis ku tahay amniga iyo nabada gobolka," ayay tiri.
Jaraa'idka ayaa xusay in xiisada labada dal lagu daray ajanedayaasha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, wallow uusan xusin goorta ay ka shiri doonan.
Hadalka wasiirada ayaa imaanaya iyadda oo todobaadkan afhayeenka dowladda Kenya uu shaaciyey in xukuumadiisa ay ku guuldareysatay talaabooyinka ay horey qaadey ee ay ku cadaadineyso Soomaaliya.
Xukuumada Nairobi ayaa falalka ay ku dhaqaaqday waxaa kamid ahaa; joojinta duulimaadka tooska labada caasimadood, musaafurinta mas'uuliyiin Soomaaliyeed iyo xiritaanka sohdinta.
Ficiladaasi oo idil xukuumada Muqdisho waxay uga jawaabtay in ay ka walaac-san tahay, isla markaana ay ku tartarsiineyso dhigeeda in ay miiska wada xaajoodka timaado kana dhowrsugto go’aanka Maxkamada Aduunka.
Horaantii isbuuc, saxaafada Kenya ayaa qortay in dowladooda ay ku eedeysay Ingiriiska iyo Norway in ay hurinayaan xiisada. Si lamid ah, Soomaaliya ayey ku dhaleeceysay in ay Tanzania oo muran badeed kala dhaxeeyo ay "taageereyso".
Falalka Kenya, oo dooneysa in muranka badda si wada hadal ah lagu dhameeyo, ayaa xoogeysatay markii Soomaaliya ay Febraayo London kusoo bandhigtay kheyraadka badda.
Maamulka Uhuru Kenyatta ayaa shaaciyey in shirkaasi lagu xaraashey xirmooyin Shidaal oo ku jira goobta ay Kenya muranka gelisay ee kamid ah biyaha Soomaaliya.
Rebitaanka gacma-gacmeynta ee ay Kenya u gudbisay UN-ka ayaa kusoo beegmaya iyadda oo ay isa soo tarayaan baaqyadda loo jeedinayo ee ku aadan in ay joojisay "talaabooyinka qalafsan".
GAROWE ONLINE