Qarax culus oo ka dhacay Kenya [Khasaaraha + Sawirro]

Image
Image
Image
Image

LAMU - Inta la xaqiijiyay Shan Askari oo ka tirsan ciidamadda difaaca ee dalka Kenya ayaa lagu dilay kadib markii Kolanyo ay la socdeen ay Miino kula kacday inta u dhaxeysa tulooyiinka Kiunga iyo Sankuri oo ka tirsan gobolka Lamu.

Afhayeenka ciidamadda difaaca ee dalka Kenya, Col. Paul Njuguna oo xaqiijiyay dhacdada ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in sidoo kale weerarkaan looga dhaawacay in ka badan Tobban Askari, kuwaasoo dhaawacooda loola caray Isbitaal.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in Askarta dhimatay ay ugeeryoodeen dhaawacyo culus oo kasoo gaarey Qaraxa oo ahaa mid culus, sida uu Warsidaha Garowe Online kasoo xigtay saraakiil iyo dadka degaanka meesha ay wax ka dhaceen.

"Tobban Askari ayaa dhaawacyo naga soo gaarey kuwaasoo loo qaaday xarumaha caafimaad si loo daaweeyo. Nasiib daro, Shan kale ayaa dhaawacyo nooga dhimatay," ayuu Col. Paul Njuguna u sheegay warbaahinta kasoo baxda gudaha dalka Kenya.

Illo wareedyo dadka degaanka ka tirsan ayaa shaaca ka qaaday Kolanyadda la weeraray ay howlo bani'aadanimo ugu wajahnaayeen gobolka, waxayna wadeen Biyo si ay ugu deeqaan dadka degaanka, oo biyo la'aan baahsan ay lasoo dareystay.

Weerarkaan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili dhowaan Madaxwayne Uhuru Kenyatta uu carabka ku dhuftay in aysan ciidamadooda kala bixi doonin gobolka inta Al-Shabaab laga saarayo degaanada ay Soomaaliya ka haystaan.

In ka badan 200 Askar ayaa Kenya looga dilay weerarada Al-Shabaaba ka fuliso degaanadda hoos-yimaada Gobolka Waqooyi Bari, ee ku dhaw xuduuda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM