Qareenada Xildhibaankii feeray Faadumo oo qiil u yeelay tacadiga
NAIROBI, Kenya – Xildhibaanka bariga gobolka Wajeer laga soo doorto ee Rashiid Qaasim ayaa maxkamad loosoo taagey in uu gacan-qaad ku sameeyay Faadumo Geedi, oo metasha haweenka degaankaasi.
Dhirbaaxada ayaa waxa uu Raashiid ku dhuftay Faadumo daqiiqado kadib markii ay kasoo baxeen fadhiga baarlamaanka, barqinimadii Khamiista, kahor inta aysan dood kulul ku dhex-marin kulanka dhexdiisa.
Isla markiiba, Faadumo ayaa waxay dacwad ka gudbisay Raashiid, kaasoo durba lagu xiray saldhiga Booliska ee gudaha dhismaha sharcidejinta.
Doodooda ayaa ku saabsaneyd sababta Geedi oo kamid ah Guddiga Miisaaniyadda aysan wax lacag ah ugu qoodeyn halka laga soo doorto Qaasim.
Xeer-ilaalinta ayaa kusoo oogtay dacwad ku saabsan in uu dhaawac u geystay jirka Xildhibaanada oo uu ka muuqday dhibaatada lagula kacay.
Balse waxa uu maxkamadda u sheegay in uusan geysan wax qalad ah kahor inta uusan garsoore Francis Andayi xorriyadiisa ugu celin damaanad lacageed oo gaareysa 491 dollar-ka Mareykanka ah.
Sidda laga soo xigtay Nairobi News, qareenadda Mudanaha yaaa u sheegay maxkamadda in xeer-dejiyaha uu habeenimadii Jimcaha "la kulmay dhibaato caafimaad oo maskaxda ah".
"Isla habeenkii, waxaa loola cararay Isbitaalka Aga Khan, halkaasi oo tijaabo caafimaad looga soo qaadey," ayey u sheegeen maxkamadda.
Sikastaba ha ahaatee, dhacdada uu Rashiid ugu gacan-qaadey Faadumo oo soo jiidatay indhaha dad badan ayaa waxaa dadka ka fal-celiyey oo aad u badnaa ay ahaayeen kuwa si weyn ugu lala qaybsamay.
GAROWE ONLINE