Qaylo-dhaan horleh oo kasoo yeertay Jaadleyda Kenya

Image

NAIROBI, Kenya - Ganacsatada Qaadka miiraha Kenya ayaa shaaca ka dhigay in go'aankii ugu dambeeyay ee kasoo baxay dowladda Soomaaliya ay ku khasaareen $46,926.

Afhayeenka Ururka Ganacsatada Jaadleyda Nyambene ee Kenya, Kimathi Munjuri, ayaa sheegay in xamuulka miraha uu wali yaallo madaarka tan iyo subaxnimadii Isniinta.

Munjuri oo dowladdiisa ka dalbadey kaalmo ayaa ku eedeeyay qeyb ka mid ah dadka degaanka iyo ganacsatada inay ku dhaqmaan dacaayad si dib loogu bilaabo dhoofka maandooriyaha.

Wararku waxay xusayaan in Jaadleyda ay garoonka diyaaradaha Nairobi ka celiyeen 12 tan oo maandooriyahaas ah kadib go'aanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho waxay xustey in wali aysan isbedelin siyaasadeeda Jaadka Kenya wallow labada dal soo celiyeen xiriirka diblumaasiyadeed.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa Khamiista todobaadkii hore waxay dib u soo celiyeen xiriirka diblumaasi. Balse, wali ma aysna isla meeldhigin dhameystirka qodob Jaadka ku jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM