Qaylo-dhaan kasoo yeertay qoysaska Kenyan ku xaniban Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Qoysaska todoba Kenyan ah, oo ku xaniban degaanka Raas Kaambooni, gobolka Jubada Hoose ee Soomaaliya, ayaa ugu qaylo-dhaamiyey dowladooda in ay ka caawiso sidii waddankooda loogu celin lahaa.

Todobadooda ayaa qandaraas ku qaatay dhismaha darbiga xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, sidda uu ku waramay wargeyska The Standard.

Magacyadooda ayaa waxaa lagu kala sheegay in ay kala yihiin; Patrick Shinula Mwangala, Martin Mwaghazi, Ignas Kialu Mwanyumba, Michael Mjala, Gabriel Otieno, Elia Mwalili iyo Abas Mutuku.

Caasimadda ku meelgaarka Jubaland ee Kismaayo ayay u dhoofeen Janaayo. Bishii lasoo dhaafay ee April ayaa qorshuhu ahaa in ay kasoo laabtaan.

Balse, ciidamada ammaanka Raas Kambooni ayaa hakiyey isla markaana kala wareegay dhamaan dukumiintiyadii socdaalka oo ay wateen.

"Iyagoo aanan wadan dukumiintiyadda socdaalka, ma ahan suurtagal in ay dib ugu laabtaan guriyahooda," ayuu jaraa'idka ku sheegay warbixintiisa.

Ururka u dooda xuquuqda Muslimiinta ee Muhuri oo warqad u diray maamulka Lamu ayaa ka codsaday in ay fududeeyaan soo laabashada dadkaas.

Isagoo ka jawaabaya warqadaas, ismaamulka Lamu ayaa tilmaamay in xuduudka Soomaaliya iyo Kenya loo xiray 14 maalin sababo la xiriira ka hortaga Coronavirus.

Soomaaliya ayaa laga helay 671 xaaladood oo ah safmareenka Covid-19; 31 dhimasho ah iyo 34 qof oo kasoo caafimaadey, halka Kenya ay soo warisay 465 kiis, 22 geeri ah iyo 152 oo ka bogsootay, sidda xustay WHO.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM