Sheekada saddexda qof ee loo xukumay weerarkii Jaamacada Garissa

Image

NAIROBI, Kenya – Laamaha ammaanka Kenya ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan wareysi ay ka qaadeen saddexda qof ee xukunka loogu riday weerarkii Jaamacadda Garissa ee 2015-kii kaasi oo lagu dilay 148 ruux, oo arday u badan.

Saddexda shaqsi ayaa kala ah; Richard Charles Mberesero, Tanzaaniyaan xabsi daa'in lagu xukumay, Xasan Edin Xasan 28-jir Kenyan iyo Maxamed Cali Abiikar, 35-jir Kenyan ah oo iyaguna lagu riday xukun ah 41-sano oo xabsi ah.

Arrimaha ay ka siman yihiin ee warbixinta ku jirta ayaa waxaa kamid ah in aysan horey ugelin wax dambi ah, in la qabtey iyaga oo isku dayay in ay baxsadaan iyo inay beeniyeen ku lug-lahaanshiyaha falka argagaxiso.

Sidda uu qoray wargeyska Daily Nation oo warbixinta qoray, Mberesero oo ay dhaleen aabe ganacsade ah iyo hooyo beeraley ah oo waqtigiisa ugu badan ku qaadan jiray Masjid ayaa kaliya ka baxay maalintii weerarka.

Ninkan ayaa u sheegay baareyaasha in uu waxbarashada ka gaarey heer Koleej kahor inta uusan kasoo qalin-jebin dugsiga sare oo uu fasalka afaraad kaga baxay. Hasa ahaatee, wuxuu u joojiyey "daruuf dhaqaale".

Ciidamada ammaanka ayaa sheegay in Mberesero uu afkiisa ka qirtay inuu go’aansaday kamid noqoshada Kooxda Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay dalka Soomaaliya.

Xasan oo ku dhashay kuna barbaarey Mandheera, halkaasi oo uu ka ahaa dukaanle ayaa waxa uu tacliinta ka gaarey fasalka todobaad, waxaana reerkiisa ay ku kala nool yihiin tuulooyin kala duwan oo Kenya katirsan.

Maxamed Abiikar oo ku dhashay Wajeer balse ku noolaa Manddeera ayaa ka duwan saaxiibadii. Isaga marnaba ma uusan xaadirin waxbarasho madani ah. Balse wuxuu qirtay in uu dhigtay dugsi Qur'aan.

Wallow hooyadii iyo aabihii ay geeriyoodeen waxa uu la noolaa saddex xaas oo haysata lix caruur ah. Ganacsiga ayuu ku lug-lahaa inkasta oo uusan soo bandhigin shaqadda uu rasmi ahaan qaban-jiray.

Intii lagu guda jira dhageysiga kiiskiisa, wuxuu Maxkamadda ka hor sheegay in loosoo xiray kaliya in uu xiriir la lahaa raggii ugu firfircoonaa ee ka qeybqaatay weerarkaasi ay ku dhaawacmeen tobanaan ruux.

Kenya ayaa qaati ka taagan weeraro uga yimaada Al-Shabaab tan iyo markii ay ciidamadeeda usoo dirtay Soomaaliya 2011, waxaana dhalinta dalkaasi oo shaqo la’aan haysata xagjireysa kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM