Qodobo muhiim ah oo looga hadlay kulankii 1aad ee Wasiirada DDSI

Image
Image

JIGJIGA - Gollaha Wasiiradda ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa magaalada Jigjiga ku yeeshay kulankoodii ugu horeeyay tan iyo markii uu todobaadkan magacaabay Madaxwayne Mustafa Maxamed Cagjar, uuna ansixiyey Baarlamaanka.

Wasiiradda cusub oo gaaraya 27 xubnood ayaa la sheegay inay qaarkood bedali doonaan kuwii xafiiska uga horeeyay, gaar ahaan xubnaha ay soo eedaysay xeer-illaalinta Itoobiya, islamarkaana haatan ku jira Xabsi, ayna ku socoto baaris iyo maxkamadeyn.

Kulanka Gollaha Wasiiradda ee degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa diiradda lagu saarey dhibaatooyinkii amni ee dhowaan ka dhacay gobolka, soo celinta nabad-gelyadda iyo sidii degaanka loogu soo celin lahaa kala dambeynta iyo amarka dowladda.

Gudoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiyadda Shacabka Soomaalida Itoobiya, Axmed Shide oo kamid ahaa xubnahii shirka xaadirka ku ahaa ayaa u sheegay warbaahinta ku hadasha afka dowladda in wasiiradda cusub ay shaqadooda ugeli doonaan si toos ah.

Wuxuu carabka ku dhuftay inay ka yimaadeen guud ahaan Qabaa'ilada kala duwan ee degaanka, isagoo meesha ka saarey in loo sad-buriyey Beelo qaarkood, wuxuuna ku nuux-nuux saday in loogu qeybiyay si siman, islamarkaana ay kuwada qanacsan yihiin.

Bishii lasoo dhaafay ayey ahayd markii ciidamada Milatariga Federaalka Itoobiya ay la wareegeen Magaalada Jigjiga, taasoo dhabaha u xaartay inuu meesha ka baxo maamulkii Cabdi Ilay, kaasoo haatan Xabsi ku jira, islamarkaana baaris ay ku socoto.

Madaxwayne Cagjar ayaa horey u balanqaaday inuu isbedal la taaban karo ku hogaamin doono degaanka, isagoo ka codsaday shacabka, siyaasiyiinta iyo Wax-garadka la taageero maamulkiisa, isagoo soo dhaweeyay cid walba oo kasoo horjeeda.

Kulankaan ayaa wuxuu kusoo aadayaa xili Magaalada Jigjiga ay buux-dhaafiyeen Siyaasiyiin xil doon ah, kuwaasoo gobolka kasoo jeeda, islamarkaana maamulkii Cabdi Ilay uu musaafuriyay qaarkood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xubno Daacish oo ku tababartay Soomaaliya oo Itoobiya qabatay iyagoo Qorsheynayeen Weerarro Argagixiso 

Warbixinta sirdoonka Itoobiya ayaa muujisay in la tuhunsan yahay in eedeysanayaasha ay tababar milatari ku qaateen Puntland.

  • Afrika

    17-07-2025

  • 05:13AM

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Shaqada ka Joojiyay Wasiirka Booliska kadib Eedeymo culus

Waxaa la filayaa in baaritaanka guddiga uu saameyn ballaaran ku yeelan doono kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga iyo hufnaanta dowladda.

  • Afrika

    14-07-2025

  • 12:16PM