Qof kale oo maydkiisa laga dhex heley duulimaad Kenya Airways

Image
Isla duulimaadkan tirsigiisa yahay KQ002 ayaa labo todobaad sidan oo kale qof looga heley maydkiisa.

NAIROBI, Kenya - Qof rakaab ah ayaa maydkiisa laga dhex heley duulimaad ay samaysnaysay diyaaradda Kenya Airways oo u kala gooshaysay Nairobi iyo New York. 

War ay soo saartay shirkadda ayay ku sheegtay in qof rakaab ah laga waayay wax dhaqdhaqaaq ah, markii loo kuurgalayna la ogaaday in uu mayd yahay, iyada oo shirkadda ay ka tacsiyaysay. 

Isla duulimaadkan tirsigiisa yahay KQ002 ayaa labo todobaad sidan oo kale qof looga heley maydkiisa xilli ay hawada ku jirtay doyaaradda, kana soo duushay New York illaa Nairobi. 

Lama ogga waxa sababay dhacdadan la yaabka leh , balse dad badan ayay welwel ku beertay sida qof caafimaad qabay uu ugu dul dhiman karo diyaarad dusheed, oo keliya hal qad ka shaqaysa si isku xigxigta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM