Qoraa dhaliilay wiil uu dhalay madaxwayne oo safar laga xanibay

Image
Bishii Disembar ee 2021-kii, Kakwenza ayaa sidoo kale waxaa loo xiray wax loogu yeeray "fariin meel ka dhac ah".

KAMPALA, Uganda - Qoraa lagu xiray Uganda markii uu aflagaadeeyay wiil uu dhalay madaxweyne Yoweri Museveni ayaa loo diiday in uu u safro dibadda. Qoraaga waxa uu rajaynayay in uu u dhoofo dibadda si uu u soo qaato abaal-marin oo uu u helo daweyn.

Isagoo ka soo muuqday qolka maxkamada Kampala galabnimadii Isniinta, Kakwenza Rukirabashaija waxa uu rajaynayay in garsooruhu fududeeyo qaar ka mid ah shuruudaha dammaanadda.

Kakwenza, oo adeegsanaya qareenkiisa, ayaa doonayay in loo sii daayo baasaboorkiisa, wuxuuna sidoo kale codsaday in kiiskiisa loo wareejiyo xeerbeegtada sare si loo maxkamadeeyo.

Kakwenza waxa uu doonayaa in uu u safro Jarmalka si uu uga soo qaato abaal-marin qoraal ah oo uu ku helo daawayn gaar ah oo jidh-dil ah oo la sheegay in lagu helay xabsiga.

Bishii Disembar sanadkii 2021, Kakwenza waxaa loo xiray wax loogu yeeray "fariin meel ka dhac ah" sida uu dhigayo sharciga Uganda ee si xun u isticmaalka tiknoolajiyadda.

Qoraagu wuxuu qoray in wiilka madaxweynaha, Jeneraal Kainerugaba Muhoozi, uu yahay mid cayilan oo dabeecad xun. Muhoozi ayaa loo arkaa inuu yahay ninka bedeli kara Museveni doorashada soo socota ee 2026-ka.

Kakwenza waxa uu xirnaa muddo bil ah, waxaana in muddo ah ay ciidamadu ku hayeen meel aan la aqoonsan oo la sheegay in jirdil loogu geystay, sida ay ku warantay saxaafadda.

Qoraaga ayaa tibaaxay in si xun loo garaacay laguna qasbay in uu sameeyo qoob ka cayaar habeen iyo maalin isagoo saacado yar hurdo. Waxa uu carabka ku adkeeyay in kooxaha afduubka geystay ay sidoo kale adeegsadeen labo kiish oo ay hilib ka soo jareen bowdada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM