Qorshe Uhuru ka damacsan yahay Somaliland oo la faafiyey

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa xusul-duub ugu jira in uu xiriir diblumaasiyadeed oo toos ah la yeesho Somaliland, sidda uu Axada maanta ah baahiyey wargeyska maxaliga ah ee The Standard.

Kenyatta ayaa casuumaad u fidiyey madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kaasoo Axada maanta ah ka duulay Hargeysa isaga oo saddexda maalmood ee soo aadan baaqi kusii ahaan doona magaala madaxda Nairobi.

Biixi oo ay wehliyaan wasiiro ka tirsan xukuumadiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Nairobi kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo xaqiijisay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu marti-gelin doono hogaamiyaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xustey in ay kawada hadli doonan "danaha ay wadaagaan labada dhinac".

Ma cadda hadii safarkan uu qeyb ka yahay qorshaha uu Uhuru ku doonayo in Nairobi ay metelaad diblumaasiyadeed oo rasmi ah ku yaalato Hargeysa oo tan iyo 1991-dii goobeysa aqoonsi ay ka hesho dalalka aduunka.

Kenya ayaan xarun diblumaasiyadeed ku lahayn Hargeysa, balse waxay Somaliland u aqoonsatay "xulafo muhiim u ah" danaheeda gobolka Geeska Afrika.

Booqashadda Biixi ayaa timid iyadda oo Muqdisho iyo Nairobi uusan wanaagsaneyn xiriirkooda isla markaana hogaamiyeyaasha labada dal ay daaha gedaashiisa ku xalin waayaan qodobada xudunta u ah khilaafka.

Martiqaadka uu Uhuru u sameeyay Biixi ayaa u muuqda talaabo uu ku doonayo in uu cadaadis ku saaro madaxda dowladda federaalka ee waqtiga kasii dhacayo kuwaasoo ay qadiyado dhowr ah isku hayaan.

Sidda ay warbixinaddaan sheegayaan, qodobadda la isku hayo ayaa kala ah; dacwadda badda ee hortaala ICJ, xayiraadda Qaadka, saameyn ay Kenya ku yeelato doorashooyinka 2020-21 iyo qadiyadda Jubaland.

Soomaaliya ayaa dhowaan u yeeratay safiirkeeda Nairobi, iyadda oo danjiraha Nairobi u jooga Muqdisho fartay in uu dalkiisa u aado "wadatashi".

Maamulka Farmaajo ayaa ku eedeeyay Kenya in ay faragelin ku hayso siyaasadda arrimaha gudaha waddanka iyo in ay cadaadis ku hayso hogaanka Jubaland "si ay u wiiqaan heshiiska doorashooyinka" wallow ay beeniyeen.

Inta uu ku sugan yahay Nairobi, Biixi, waxaa uu la kulmi doonaa mas'uuliyiin kale ee Kenyan ah kuwaas uu ku jiro Raila Odinga , iyadda oo ajendaha ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labadda dhinac.

Somaliland ayaa tan iyo sanadkii 1991-dii waxay goobeysaa aqoonsi ay ka hesho wadamadda caalamka kuwaasoo u arka maamul goboleed si toos ah u hoostaga xukuumadda Muqdisho oo loosoo marsiiyo arrimaha muhiimka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ibrahim Traoré: Hoggaamiye Ku Jira Ka Xoraynta Afrika Gacanta Gumeystayaasha Reer Galbeedka

Sida ay sheegtay Beverly Ochieng, oo ah cilmi-baare sare ka tirsan hay’adda Control Risks ee fadhigeedu yahay caalamka.

  • Afrika

    12-05-2025

  • 07:34AM

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM