Quwadaha dunida oo ku kala qeybsan rabshado kasoo kordhay Sudan

Image

KHARTUUM, Suudaan – Kooxaha Mucaaradka Qaranka Suudaan ayaa sheegaya in ku dhowaad 60 ruux ay ku dhinteen rabshado dib u soo cusboonaadey.

Qulqulatooyinka ayaa lagu eedeeyay in ay geysanayaa ciidamada dowlada kuwaasoo beegsanaya dibad-baxayaasha.

Mudaaharadayaasha oo doonaya dimoqraadiyad dalkaasi ka dhaqan-gasha ayaa waxay dhowr jeer isku dhaceen xoogaga milatariga.

Iska hor-imaadyadda ayaa ka dhacay meelo ay kamid tahay banaanka xarunta Golaha ku meel gaarka milatariga ah.

Warbaahinta reer Galbeedka ayaa ku warameysa in ciidamada ay si toos ah u beegsanayaa rayidka iyaga oo adeegsanaya raas nool-nool.

Tani ayaa dhalisay in milatariga uu la kulmay cambaareyn caalami oo ka dhan ah weerarkooda, sidda ay ku warameyso warbaahinta.

Kadib rabshadahaasi, milatariga ayaa shaaciyey qorshe doorasho lagu qabanayo Sagaal bilood kadib balse waxaa la sheegayaa in kooxaha mucaaradka ay ka biyo diideen.

Qaraar ay soo diyaariyeen UK iyo Jarmalka lana horgeeyay Qaramada Midoobay kaasoo looga dalbaneyay ciidamada in ay joojiyaan rabshadaha ayaa waxaa Talaadadii ka hor-yimid Shiinaha oo taageero ka helay Ruushka.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in Quwadaha caalamka ay ku kala qeybsan yihiin xaaladda murug-san ka taagan dalka Suudaan.

Dowladnimada Suudaan ayaa wajaheysa halis weyn tan iyo markii xilka laga tuuray Cumar Xasan Al Bashiir kaasoo haatan xiran, iyadda oo ay wali sii socdaan banaanbaxyada isbedel doonka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM