Rag Kenyan ah oo "lagu adoon-sanayo" gudaha Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Mid kamid ah jaraa'idka ugu afka dheer dalka Kenya ayaa Khamiista maanta ah baahiyey in Kaluumeysato u dhalatay wadankaasi lagu haysato Markab ka howlgalaya biyaha Soomaaliya.

Daily Nation oo daabacay in tiradda muwaadiniintaasi Kenyan-ka ah ay gaareyso 15, kuwaasi oo badankooda ah rag ayaa adeegsaday kalmadda ah "adoonsi".

Wargeyska ayaa soo bandhigay sawir uu raggaasi ku sheegay oo ay qaab wadajir ahaan ugu jiraan iyaga oo kasoo muuqdey gudaha markab.

Joornaalka ayaa ku waramaya in qori caaridii ay ku shaqeeyaan, isla markaana aanan la siinin wax mushahar ah.

Markabka ay u shaqeeyaan ayuu magaciisa ku qeexay FV Marwan, kaasi oo uusan soo bandhigin waddanka laga leeyahay.

Warbixinta ayaa intaasi ku dartay in shaqsiyaadkan laga shaqaaleysiiyey magaaladda xeebta ah ee Mombasa bishii April ee sanadkan 2019, loona qaadey dhinaca xeebaha Soomaaliya oo haatan lagu haysato.

Qormada ayaa intaasi raacineysa in qaar kamid ah "la haysteyaashan" ay xaaladooda caafimaad tahay mid liidata ayna u baahan yihiin baxbaano.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya weli kama aysan hadlin dhacdada haatan soo ifbaxdey ee ay saxaaafada Kenya ku sifeysay "adoonsi".

Balse waxay imaaneysaa iyadda oo xiisad diblumaasiyadeed ay ka dhaxeyso labadda dal taasi oo ku aadan xuduud dhul badeed ay bisha September dhageysaneyso kiiskiisa Maxkamadda Cadaaladda Aduunka.

Biyaha Soomaaliya ayaa waxaa ka howlgala maraakiib shisheeye oo waaweyn kuwaasoo badankooda dalalka Yurub laga leeyahay kuwaasi oo la dagaalama wax loogu yeero Shufta badeeda Soomaalida.

Dhacdadan ayaa soo ifbaxeysa iyadda oo Kenya dhowaan loo doortey in ay hogaamiso howlgalka la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya, kaasoo soo bilowday sanadkii 2009-kii, illaa iyo haddana socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM