Rag loo haystay weerarkii Jamaacada Garissa oo dambiga lagu helay

Image

NAIROBI, Kenya – Saddex rag ayey ku cadaatay gal-dacwadeed la xiriira weerarkii geerida badan keenay ee Jamaacadda Garissa ee dalka Kenya ee dhacay April 2015-kii.

Rashid Charles Mberesero, Maxamed Cali Abiikar iyo Xasan Edin Xasan ayaa lagu helay in ay qeyb ka ahaayeen dableyda dishay ku 148 qof ee ardayda u badnaa.

Shaqsiyaadkan ayaa waxaa sidoo kale ku cadaatay in ay ka tirsanaayeen dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab, kuwaasi oo fadhigoodu yahay Soomaaliya.

Ruux kale, Sahal Diiriye Xasan, ayaa lasii daayey markii wax dambi ah ay ku weysay maxkamadda ku taala Nairobi, sidda ay ku warameyso warbaahinta.

Wargeyska Daily Nation ayaa wuxuu ku waramayaa in maxkamada ay xukun ku ridi doonto xubnahan dambiga lagu helay 13-ka bisha Julaayo ee sanadkan 2019.

Xaruntaasi waxbarasho ee ay ku duushay kooxda gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa waxay ku taalaa Waqooyi Bari dalka dhaca Geeska Afrika.

Dhacdadaasi ayaa ahayd tii ugu dhimashada badneyd taariikhda Kenya kadib weerarkii Al-Qaacida ee safaarada Mareykanka ee 1998-dii, halkaasoo lagu khaarijiyey 200 ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM