Rag muuqaal ka duubay haweeney ay kufsadeen oo la xiray

Image
Haweeneydan ayaa ugu dambeyntii u suurtagashay inay is-xoreyso kadibna si dirqi ah ku baxsato.

NAIROBI, Kenya - Afar nin ayaa lagu xiray waqooyi bari Ghana, kadib markii lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen muuqaal faafay oo muujiyey haweeney laga siibay dharka lana faraxumeeyay iyadoo dad badan ay daawanayeen.

Haweeneydan oo la rumeysan yahay inay ka soo jeedo bulshada Fulani ayaa ugu dambeyntii u suurtagashay inay is-xoreyso kadibna si dirqi ah ku baxsato.

Shilkan ayaa ka dhacay suuqa magaalada Zebilla ee gobolka Saraar halkaas oo ay ka taagneyd xiisad muddo soo jiitameysay oo u dhaxeysay xoolo dhaqato reer guuraa ah oo Fulani ah iyo dadka deegaanka.

Bulshooyinka oo colaadooda inta badan ay ka dhashaan khasaaro baaxad leh ayaa inta badan ku muransan daaqsinka xoolaha lo’da iyo helidda biyaha.

Xiisadan ayaa dhawaan ka dhalatay dil loo geystay wiil dhalinyaro ah oo ka soo jeeda magaalada kaas oo la sheegay in lagu dilay dagaal ka dhacay magaalada.

Wararka laga helay dadka deegaanka ayaa sheegaya in weerarka lagu dilay haweeneyda laga yaabo in uu aargoosi u ahaa dilkaas.

Booliisku waxay dhacdada ku tilmaameen mid bini'aadantinimo ka baxsan oo bahdilaad ah waxayna sheegeen in la diyaarinayo sidii haweenaydaasi taageero nafsiyeed-bulsheed loogu fidin lahaa.

"Eedeysanayaasha xabsiga ku jira ayaa sidoo kale gacan ka geysanayay baaritaanka si loo soo qabto dad kale," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraal kasoo baxay taliska ciidamadda booliska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM