Ra'iisul Wasaare iyo Wasiiradiisa oo is-casilay kadib fashil amni

Image

BAMAKO, Mali - Ra'iisul Wasaarihii wadanka Mali oo dhaca galbeedka Africa iyo Xukuumadiisa ayaa is-casilay shalay oo Khamiis ahayd, afar todobaad kadib markii xusuuq loo geystay 160 qof oo xoolo dhaqato ahaa, oo kasoo jeeday qowmiyadda Fulani.

Dilka dadkan shacab ah ayaa gilgilay qaranka oo dhan.

"Madaxweynaha ayaa aqbalay Iscasilaadda Ra'iisul Wasaaraha iyo xubnaha Gollaha Wasiiradda," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Mali, Ibrahim Boubacar.

Laguma sheegin qoraalka Madaxweynaha sababta Is-casilaadda Ra'iisul Wasaare Soumeylou Boubeye Maiga, laakiin Xildhibaanada ayaa Arbacadii ka hadlay suurta-galnimada in Mooshin kalsooni kala noqosho ah ka keenaan Xukuumadda Mali, sababtoo ah xasuuqa dhacay iyo inay ku guul-dareysatay hubka dhigis inay ku sameyso Malleeshiyo beeleedyada sidoo kalena ka adkaato Kooxaha argagaxisada.

Soumeylou Boubeye Maiga ayaa Ra'iisul Wasaare soo ahaa tan iyo 31 December 2017.

Bishii lasoo dhaafay, 23 qof oo xoolo dhaqato ahaa, kana soo jeeday qowmiyadda Dogon ayaa lagu dilay bartamaha dalka Mali, iyadoo dilkaasi ay geysteen malleeshiyaadk qabiilka Fulani.

Koox xiriir la leh Al-Qaacida ayaa la sheegay inay taageero siiso qowmiyadda Fulani, oo dagaal kul jirta qabiilka kale ee Dogon, waxaana tani ay sii horisay colaad beeleedka ka socda bartamaha dalka Mali.

Saraakiisha Mali ayaa xiray 5 qof oo looga shakiyay inay qeyb ka qaateen xasuuqii ugu dambeeyay ee lagu dilay 160-ka qof, balse laguma guuleysan in hubka dhigis lagu sameeyay dhinacyada dagaalka.

Dalkan ku yaalla saxaraha Africa ayaa la degay dagaallo tan iyo markii Kooxda Tuareg ay la wareegtay qeyb kamid ah dalka sanadkii 2012, taasoo keentay inuu si degdeg ah usoo farageliso dowladda Faransiiska oo ciidamo u dirtay kuwaasoo dib u riixay xoogaga mintidiinta sanadkii xigay ee 2013.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM