Ra'iisul wasaaraha Suudaan oo isku day dil ka badbaadey

Image
Image

KHARTUUM, Sudan – Ra'iisul wasaaraha Suudaan, Cabdalla Xamduuk, ayaa maanta oo Isniin ah wuxuu magaalada caasimada ah ee Khartuum uu ka badbaadey isku day dil, sidda ay baahisay warbaahinta dowladda.

"Qaraxa wuxuu haleelay gaariga ra'iisul wasaare Cabdalla Xamduuk oo socda, balse ALLE ayaa ku mahadsan ma uusan ku dhaawacmin," sidaas waxaa yiri Ali Bakhit, agaasimaha warfaafinta xafiiska ra'iisul wasaaraha.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaan. Si lamid ah, ma cadda qaabka loosoo abaabulay weerarka.

Sawirro laga soo qaadey meesha ay wax ka dhaceen ayaa muujiyey burbur xoogan oo soo gaaray gaariga la beegsaday.

Xamduuk, oo ah dhaqaaleyahan caan ah, ayaa jagada ra'iisul wasaaraha loo magacaabay bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay kadib banaanbax isbedel doon ah oo xilka looga tuuray Cumar Xasan Al-Bashiir.

Kadib markii uu xafiiska la wareegay wuxuu balanqaadey in uu wax badan ka qaban doono xaaladaha dhibaato dhaqaale ee ka jira waddankaas. Muddo ku suntay 30-sano ayuu haystaa waaya-aragnimo dhanka dhaqaalaha ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM

Itoobiya: In ka badan 60 qof oo lagu dilay weerarro ka dhan ah Masiixiyiinta gobolka Oromia

Kaniisadda ayaa sheegtay in shan ka mid ah dadka la dilay ay ahaayeen carruur, sida ay goobjoogayaashu u sheegeen BBC-da Af-Amxaarka.

  • Afrika

    27-10-2026

  • 10:45AM