Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed oo ka hadlay geerida Aabihii

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa markii ugu horeysay wuxuu si dareen leh uga hadlay geerida aabihii.

Axmed Cali ayaa talaadadii ku dhintay gobolka Oromada, halkaasi oo uu asal ahaan kasoo jeeda kuna dhashay.

War qoraal ah oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ee xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa ayuu dareenkiisa ku muujiyey.

"Ra'iisu Wasaare Abiy Axmed waxa uu dadka degaanka iyo beesha caalamka uu si dareen ah ugu soo gudbinayaan fariinta tacsida iyo filashada wax wanaagsan xili uu ka murugoonayo dhimashada aabihii," ayaa lagu yiri qoraalka.

Sikastaba ha ahaatee, Abiy ayaa ka qeybgalay tacsida Aabihii kaasi oo ahaa wadaad Muslim ah isla markaana caan ka ah gudaha Itoobiya.

Abiy hooyadii oo dhimatay ayaa waxay haysatay diinta Masiixiyiinta waxayna kasoo jeeda qowmiyada Amxaarada ee Itoobiya, halkaasi oo ra'iisul wasaaraha Itoobiya uu raacey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM