Rajada laga qabey soo afjarida colaadda Suudaan oo god mugdi gashay

Image
Soojeedin kasoo baxdey shir ka dhacay magaaladda Addis Ababa ayaa gabi ahaanba la diidey.

KHARTUUM, Suudaan - Wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan ee taabacsan ciidamada ayaa Talaadadii diiday soo jeedinta shir madaxeedka heerka gobolka ee ahaa in dalkan la geeyo ciidamo nabad ilaalin ah.

Diidmadan ayaa waxay meesha ka saareyasa rajadii laga qabay in isu-imaatinka uu gacan ka geysto dadaallada lagu soo afjarayo dagaal saddex bilood ku dhow.

Loolanka awoodeed ee rabshadaha wata ee u dhexeeya ciidamada iyo xoogaga Taageerada degdega ah tan iyo 15-kii Abriil ayaa dilay in ka badan 1,000 rayid ah iyo barakaca 2.9 milyan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

"Labada dhinac midkoodna faa'iido cad ma helin, in badan oo caasimadda ah waa la dayacay ama la burburiyay iyadoo dadaalladii dhexdhexaadintu ay ilaa hadda fashilmeen," ayuu yiri sarkaal ka tirsan UN-ka.

Shir madaxeedkan oo ay yeesheen urur goboleedka Bariga Afrika ee IGAD ayna ka soo qayb galeen madax ka kala socotay dalal kale, wakiillo ka socday dowladdo kale iyo hay’ado kale ayaa soo jeediyay daabulista ciidamo nabad ilaalineed oo heer gobolka ah iyo sidii dadka rayidka ah ugu soo biiri lahaayeen wadahadallada.

Waa shirkii ugu horreeyay ee noocaan ah toddobaadyo gudahood, ka dib markii wada-hadallo gaar ah oo ka dhacay Jeddah ay hakiyeen Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya ka dib markii la jebiyey xabbad joojin badan.

Ciidanku waxay qaadaceen dadaallada dhexdhexaadinta IGAD, iyagoo ku eedeeyay Kenya, oo dadaalkaas hormuudka ka ahayd, inay gabaad siisay Ciidamada Taageerada Degdegga ah.

Shir madaxeedka IGAD ee Addis Ababa ka dhacay ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiilo Mareykan ah, kuwaas oo bayaan ay soo saareen u muuqday kuwo diiday rajada mustaqbalka ee xukunka militari ee Suudaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM