Ruto: Waan kordhin doonaa mudada ciidankeena joogayaan Soomaaliya

Image
Al-Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhisay weerarada ay ka geysaneyso dalka Kenya.

NAIROBI, Kenya - Madaxweyne William Ruto ayaa tilmaamay in ciidamadda Kenya ee jooga Soomaaliya laga yaabo in ay halkaas ku sii sugnaadaan wax ka badan jadwalka dhimista ee fulintiisa ay bilaabatay.

Ruto ayaa shaaca ka dhigay in dalalka safka hore ee Kenya, Uganda, iyo Itoobiya ay go’aansadeen in ay ku sii socdaan muddada loo qabtay si aysan u lumin guulaha la gaaray.

"Waxaan go'aansanay haddaan nahay dalalka safka hore - Uganda, Kenya, Sudan - inaan ku sii jirno koorsadan, haddii loo baahdo, waxaanan u aragnaa inay lama huraan tahay inaan ka sii gudubno jadwalka dhimista si aynaan lumin waxa aan gaarnay kaliya sababtoo ah waxaan ka soo baxnay xaalad oo aan u ogolaanay al-Shabaab in ay dib ugu soo laabtaan isla'egta ama masraxa," ayuu yiri.

Ruto ayaa hadalkaasi ku sheegay wareysi uu siiyey Telefishinka France 24, waxa uuna wacad ku maray inay ka hortagi doonaan Kooxdaasi argagaxisada ah.

Kooxda argagixsada ayaa kordhisay weerarada ay ka geysaneyso dalka Kenya, iyadoo ay dib u soo cusboonaatay taasi oo ay ku dhinteen in ka badan 30 qof bishii la soo dhaafay oo kaliya meel u dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa ka dhacday Lamu habeenkii Sabtida halkaas oo shan qof lagu dilay kadib weerar gaadmo ah oo ay ku ekeeyeen tuulo ay dagan yihiin reer guuraa.

Afar ka mid ah raggan ayaa qoorta laga gooyay halka mid ka mid ah laga toogtay meel dhow. Kooxda weerarka geysatay ayaa sidoo kale waxaa gubey guryo ku yaala xaafadaasi ka hor inta aysan la baxsan raashiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM