Sababta dhalaankaan codka halaasiga leh looga joojinayo fanka

Image

KAMPALA, Uganda – Wiil yar oo reer Uganda kaasi ah fanaan heesaha raabka qaada ayaa loo sheegay in uu fanka isaga baxo sababtoo ah in aad uga yar yahay da’da uu kugu sii jiri karo.

Wasiirka Dhalinyaradda, Florence Nakiwala, ayaa u sheegay warbaahinta sharciga shaqaalaha dalkaasi uusan u ogolaaneyn in uu shaqeeyo qof ka hooseeya 18-sano jir.

Iyadda oo u warameysa telafishinka NBC ayay sidoo kale ugu goodisay in hadii 7-sano jirkaan uusan u hogaan-samin amarkaasi uu xabsi guri wajahayo.

Shaqaalaysiinta caruurta oo aad ugu badan Uganda ayaa kamida mawduucyada xasaasiga ah ee aysan wali mas'uuliyiinta xal u helin.

Dhalaanka ayaa si joogta ah loogu shaqeystaa beeraha, ganacsiyada yar-yar iyo in ay wadooyinka wax ku iibiyaan.

Marwo Nakiwala ayaa walal ka muujisay in "Cunuga Cusub" kaasi oo magaciisu dhabta ah uu yahay Patrick Ssenyonjo, uu seego Dugsiga xili uu mar walba ku mashquulsan yahay wax kale markay faciisa wax baranayaan.

Balse maamulihiisa ayaa ku adkeysanaya in ubadka yar ee wacdaraha dhigay uu goor kasta u kicitamo goobaha waxbarashadda.

Francis Kamoga ayaa u sheegay BBC-da in raabiistaha uu kaliya bandhigyada ka qaybgalo Sabtida iyo Axada, uuna kaliya sameeyay labo bandhig, soona saarey hal muuqaal hees ah iyo sadex cod ah tan iyo markii fanka kusoo biiray.

Kalyeentigiisa ayuu intaasi ku daraya in uusan shaqeyn, isla markaana uusan ku helin wax mushahar ah howlaha la xiriirka fanka.

Fanaanka dhalaanka ah ayaa la kulmay dhaliilo markii heestiisii ugu dambeysay uu ka dhigay in dadka isla dhex-marayaan in uusan isaga aadin goobta waxbarashada.

Ugu dambeyntii, inkasta oo ay tani jirto, hadana waxaa jira dad kale oo taageersan fanaanka da'da yar, kuwaasi oo siyaasiyiinta ku eedeeyay in ay dilayaan yoolka uu leeyahay cunugaan codka halaasiga leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM