Safaarada Kenya ee Khartuum oo albaabada la isugu dhuftey

Image
Talaabadan ayaa imaanaysa xilli uu sii xoogeystay iska hor-imaadyada u dhaxeeya ciidamada iska soo horjeeda.

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa albaabadda isugu dhufatay xafiiskeeda diblumaasiyadeed ee magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Suudaan, iyadoo uu sii xoogeystay iska hor-imaadyada u dhaxeeya ciidamada milateriga ee iska soo horjeeda.

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay in howlgalka uu ahaa mid furan oo lagu taageerayo daad-gureynta muwaadiniinta Kenya, balse hadda la xiray maadaama ay khatar kala kulmeen dagaallada.

Korir Singoei, oo ah xoghayaha guud ee arrimaha dibadda ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba-joogta, ayaa sheegay in Kenya ay weli u furan tahay fududeynta daadgureynta qof kasta oo Kenyan ah oo ku sugan Suudaan.

"Waxaan sii wadnaa in aan helno war dhiillo leh oo ku saabsan beegsiga saraakiisha diblomaasiyadeed ee kooxaha hubeysan ay ku hayaan magaalada Khartoum ee dalka Suudaan," ayuu yiri.

Singoei ayaa intaas ku daray: "Howlgalka Kenya ee Khartoum oo u furnaa inuu fududeeyo daadgureynta dadka Kenyanka ah ee weli dalka ku sugan hadda waa xiran yahay".

Nayroobi waxa ay taageertay dadaallada Afrikaanka ah ee lagu soo afjarayo iska-hor-imaadka u dhexeeya ciidamada Suudaan iyo xoogaga taageerada degdegga ah.

Kenya ayaa ilaa iyo hadda badbaadisay ugu yaraan 900 oo qof bilowgii bishii May, iyadoo uu socday dagaalka u dhexeeya jeneraalada Suudaan. Dalka Suudaan waxaa ku noolaa in ka badan 3,000 oo Kenyan ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM

Madaxweyne Ruto oo Booqday Shiinaha Xilli Madaxweyne Trump Canshuurro Dul Dhigay Badeecadaha Afrika

Safarka Ruto ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanku uu dhaqangeliyay canshuur…

  • Afrika

    22-04-2025

  • 07:56PM