Sagaal qof oo ku geeriyootay diyaarad ku dhacdey Bariga Suudaan

Image
Ilmo yar ayaa ka badbaaday shilka diyaarada Antonov, sida ay ciidamadu xaqiijiyeen.

KHARTUUM, Suudaan - Diyaarad rayid ah ayaa ku burburtay bariga Suudaan Axadii, waxaana ku dhintay sagaal qof oo ay ku jiraan afar askari, sida uu sheegay militarigu.

Ilmo yar ayaa ka badbaaday shilka diyaarada Antonov, sida ay ciidamadu xaqiijiyeen.

Shilkan diyaaradeed ayaa ku soo beegmaya iyadoo Suudaan laga xusayo 100 maalmood oo colaad ah oo u dhaxaysa milateriga iyo ciidamada qalabka sida ee degdegga ah.

Dagaalada ayaa ku qasbay malaayiin reer Suudaan ah inay ka qaxaan.

"Waxay ahayd 100 maalmood oo dagaal Sudan ah, oo ay waxyeello u geysatay nolosha iyo kaabayaasha dhaqaalaha, laakiin mid ka sii daran ayaa soo socda," William Carter, agaasimaha Golaha Qaxootiga Norway ee Suudaan ayaa u sheegay Associated Press.

"Waxay awood u leedahay in ay burburiso gobolka oo dhan," ayuu yiri David MacDonald, oo ah agaasimaha waddanka ee hay'adda gargaarka caalamiga ah ee CARE.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Canshuuraha Cusub ee Trump oo Saameysay Dalal Badan oo kamid ah Afrika

Lesotho ayaa markii hore wajahaysay canshuur dhan 50%, balse markii dambe waxaa loo dhigay 15%.

  • Afrika

    09-08-2025

  • 04:41PM

Kenya: Bas Sidday Dad Aas Ka Soo Qaybgalay oo Ku Rogmaday

Mas’uuliyiinta ayaa ku baaqay in si degdeg ah wax looga qabto ammaanka waddooyinka si looga hortago dhacdooyin naxdin leh oo kale.

  • Afrika

    09-08-2025

  • 09:47AM