Sagaal qof oo ku geeriyootay diyaarad ku dhacdey Bariga Suudaan

Image
Ilmo yar ayaa ka badbaaday shilka diyaarada Antonov, sida ay ciidamadu xaqiijiyeen.

KHARTUUM, Suudaan - Diyaarad rayid ah ayaa ku burburtay bariga Suudaan Axadii, waxaana ku dhintay sagaal qof oo ay ku jiraan afar askari, sida uu sheegay militarigu.

Ilmo yar ayaa ka badbaaday shilka diyaarada Antonov, sida ay ciidamadu xaqiijiyeen.

Shilkan diyaaradeed ayaa ku soo beegmaya iyadoo Suudaan laga xusayo 100 maalmood oo colaad ah oo u dhaxaysa milateriga iyo ciidamada qalabka sida ee degdegga ah.

Dagaalada ayaa ku qasbay malaayiin reer Suudaan ah inay ka qaxaan.

"Waxay ahayd 100 maalmood oo dagaal Sudan ah, oo ay waxyeello u geysatay nolosha iyo kaabayaasha dhaqaalaha, laakiin mid ka sii daran ayaa soo socda," William Carter, agaasimaha Golaha Qaxootiga Norway ee Suudaan ayaa u sheegay Associated Press.

"Waxay awood u leedahay in ay burburiso gobolka oo dhan," ayuu yiri David MacDonald, oo ah agaasimaha waddanka ee hay'adda gargaarka caalamiga ah ee CARE.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM