Sanad kadib, Itoobiya iyo Eritrea oo ku howlan fulinta heshiiskii nabada

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Iyadda oo ay tahay sanad guuradii koowaad ee heshiiskii nabada ee Itoobiya-Eritrea, labada dal ayaa weli ka shaqeynayaa fulinta gebi ahaanba axdigaasi lagu saxiixay Casmara 2018-kii.

Wasiirka warfaafinta Eritrea ayaa bartiisa Twitter-ka ku yiri: "9-kii July sanadkii hore, Eritrea iyo Itoobiya waxay kala saxiixdeen heshiis nabad oo taariikhi ah kaasoo soo afjaray tobanaan sano oo dagaal/colaad".

Yemane Meskel ayaa intaasi ku daray: "Labada dowladood waxay wadaan ka shaqeynta fulinta shanta tiir ee heshiiska iyo iskaashi goboleed ay dhinacyadda ku helayaan saami isku mid ah".

Fariinta uu baahiyey waxaa ku lamaananeed sawirada ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea ee Isaias Afwerki kuwaasoo saxiixay heshiis markii uu Abiy u socdaalay Casmara 8-dii July.

Axdiga ayaa sidoo kale soo dadejiyey in Afwerki uu maalin kadib u baqoolo Itoobiya. Labada hogaamiye dhowr jeer ayey kulmeen kadib heshiiska xili is-dhexgalka labada dowladood uu sii socdo.

Qodobada heshiiska ku jira ee qaarkood fulay waxaa kamida; dib u furidda safaaradaha labada dowladood, dib u bilaabista duulimaadka tooska ah ee labada caasimad, isu furida khadadka talafoonada iyo xuduudaha.

Iyadda oo ay taasi jirto, haddana warar soo baxaya ayaa waxay tilmaamayaan in sohdinta labada dhinac ay wali ka xiran tahay dhanka waddanka Eritrea.

Magaaladda Badme oo ah halka ay ka bilaabatay colaada labada dal oo mid kasta uu sheeganayo ayaa weli laga shaqeynayaa sidii loogu wareejin lahaa Eritrea.

Falanqeeyeyaasha oo ka walaacsan gaabiska dhaqan-gelinta ayaa rumeysan in fulinta heshiiska aysan muhiim u ahayn labada dal balse ay dan u tahay wadamada kale ee Geeska qaaradda Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM