Saraakiil Kenyaan ah oo lagu dhaawacay qarax ka dhacay Gaarisa

Image
Maleeshiyada Ururka Al-Shabaab ayaa sii wada weerarada ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya iyo Kenya

NAIROBI, Kenya – Saddex sarkaal oo booliis ah ayaa ku dhaawacmay Kenya Axaddii kaddib markii gaari ay la socdeen uu jiiray gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku sugnaa degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya oo xuduud la leh Soomaaliya.

Booliska ayaa sheegay in askartan ay ka mid ahaayeen koox galbisay kolonyada xildhibaan Ibraahim Cabaas oo ka tirsan baarlamaanka ayaa ka baxay degmada Ijara waxa uuna sii jeeday deegaanka Hulugho markii la weeraray.

"Darawalkii iyo askar kale ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah," ayay booliisku ku sheegeen warbixin.

Booliska ayaa weerarkan ku eedeeyay maleeshiyada Ururka Al-Shabaab, waana weerarkii labaad oo todobaad gudihiis ka dhaca gobolka Hoose ee Gaarisa.

1-dii Juun, rag hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa weerar ku dhaawacay askari ka tirsan ciidamada ammaanka oo marayay agagaarka wadada Bura-Garissa.

Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaaday deegaano ka tirsan gobolkaasi, gaar ahaan degmooyinka Mandheera iyo Gaarisa, halkaasi oo ay ka geysteen dhimasho iyo dhaawac. shaqaalaha amniga iyo rayidka.

Maleeshiyada Ururka Al-Shabaab ayaa sii wada weerarada ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo ay ku beegsanayaan dadka rayidka ah, ciidanka dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

Dhanka kale, ciidamada ammaanka ee Soomaaliya oo ku howlan sidii ay uga hortagi lahaayeen Al-shabaab iyaga oo garab ka helaya ciidamada Mareykanka, ATMIS iyo Saaxiibada kale ee Soomaaliya si loo afjaro khatarta maleeshiyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM