Saraakiil Kenyaan ah oo lagu dhaawacay qarax ka dhacay Gaarisa

Image
Maleeshiyada Ururka Al-Shabaab ayaa sii wada weerarada ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya iyo Kenya

NAIROBI, Kenya – Saddex sarkaal oo booliis ah ayaa ku dhaawacmay Kenya Axaddii kaddib markii gaari ay la socdeen uu jiiray gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku sugnaa degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya oo xuduud la leh Soomaaliya.

Booliska ayaa sheegay in askartan ay ka mid ahaayeen koox galbisay kolonyada xildhibaan Ibraahim Cabaas oo ka tirsan baarlamaanka ayaa ka baxay degmada Ijara waxa uuna sii jeeday deegaanka Hulugho markii la weeraray.

"Darawalkii iyo askar kale ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah," ayay booliisku ku sheegeen warbixin.

Booliska ayaa weerarkan ku eedeeyay maleeshiyada Ururka Al-Shabaab, waana weerarkii labaad oo todobaad gudihiis ka dhaca gobolka Hoose ee Gaarisa.

1-dii Juun, rag hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa weerar ku dhaawacay askari ka tirsan ciidamada ammaanka oo marayay agagaarka wadada Bura-Garissa.

Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaaday deegaano ka tirsan gobolkaasi, gaar ahaan degmooyinka Mandheera iyo Gaarisa, halkaasi oo ay ka geysteen dhimasho iyo dhaawac. shaqaalaha amniga iyo rayidka.

Maleeshiyada Ururka Al-Shabaab ayaa sii wada weerarada ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo ay ku beegsanayaan dadka rayidka ah, ciidanka dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

Dhanka kale, ciidamada ammaanka ee Soomaaliya oo ku howlan sidii ay uga hortagi lahaayeen Al-shabaab iyaga oo garab ka helaya ciidamada Mareykanka, ATMIS iyo Saaxiibada kale ee Soomaaliya si loo afjaro khatarta maleeshiyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM