Saraakiil loo xiray Askar careysan oo tegtay xafiiska Abiy Axmed

Image

ADDIS ABABA - Wasaaradda Difaaca ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqday maanta oo Sabti ah in la xiray dadkii masuulka ka ahaa in boqolaal Askar ay ku dhiiradaan inay tagaan Arbacadii xafiiska Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

Ku dhawaad 250 kamid ah askarta Itoobiya, kuwaasi oo saldhigoodu yahay Addis Ababa ayaa tegay xafiiska Abiy Axmed Arbacadii alsoo dhaafay, iyagoo hubeysan taasoo khal-khal gelisay amaanka Ra'iisul Wasaaraha.

Ciidamadan oo aad u badnaa ayaa dalbanayay in sare loo qaado gunnooyinka ay qaataan iyo in wax laga qabto tabashooyinkooda kale, oo daryeelkooda kamid yahay.

Jenaraal Seare Mekonnen, taliyaha ciidanka difaaca Itoobiya ayaa sheegay in talaabada ay Askartu qaaday ay baalmarsan tahay Dastuurka iyo xeerarka caalamiga ah iyo anshaxa ciidanka.

"Kadib baaritaan daba socday falkii Dasuurta iyo Anshaxa ciidanka baal-marsanaa waxaa lasoo xiray dadkii masuulka ka ahaa," ayuu yiri Mekonnen, sida ay kasoo xigatey wakaalada FANA.

Jenaraalka oo sii hadlaya ayaa tibaaxay in xubno ka tirsan ciidanka Difaaca Itoobiya ay "raaligelin ka bixiyeen" dhacdadii "qaladka ahayd" oo ay sameeyeen Arbacadii, taasi oo su'aallo badan dhalisay.

"Wali waxaa socoto xariga kuwii ka dambeeyay falkaan sharci daradda ah," ayuu raaciyey, inkasta oo uusan shaacin talaabadda xigta oo ay dowladdu ka qaadayso xubnaha lasoo xiro.

Ugu dambeyn, Jenaraa Seare Mekonnen oo la su'aalay inuu fahfaahiyo waxay yihiin xubnaha lasoo xiray ayaa daboolka ka qaaday inay isugu jiraan saraakiil sarre oo milatari ah iyo shaqsiyaad uusan magac-dhabin.

RW Itoobiya oo dhowaan loo doortey xilkaan ayay dhacdadaan baqdin galisay isagoo wareysi uu siiyey Talefeshinka dalkaas aad ka arkeysay wajigiisa welwel ay talaabadaan ku abuurtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM

Madaxweyne Ruto oo Booqday Shiinaha Xilli Madaxweyne Trump Canshuurro Dul Dhigay Badeecadaha Afrika

Safarka Ruto ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanku uu dhaqangeliyay canshuur…

  • Afrika

    22-04-2025

  • 07:56PM