Sarkaal Shabaab ah laguna raadjoogay oo si dirqi ah ku baxsaday

Image

NAIROBI, Kenya – Booliska Kenya ayaa Axada maanta ah shaaca ka qaadey in ay howlgal ku beegsadeen sarkaal aad loo doon-doonayo kana tirsan Al-Shabaab.

Cabdullahi Banati ayaa waxaa lagu dhaawacay dhaqdhaqaaq ciidan oo laga sameeyay qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Barri ee Kenya.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in dhaawaca Cabdullaahi uu yahay mid aad u daran, isla markaana uu faro-cidiyaheeda kaga baxsaday.

Sidda laga soo xigtay mukhaabaraadka, Cabdullaahi ayaa kaalin ku lahaa weeraradii ugu cuslaa ee Al-Shabaab ka fulisay Kenya, sanadihii dambe.

Duulaanadda uu doorka ku lahaa ayaa waxaa kamid ah; Jaamacadda Garrisa, West Gate Mall iyo Huteelka DusitD2 si lamid ah qaraxyo dhimasho badan sababay.

Qaraxyadda Al-Shabaab ka fuliso qaybo kamid ah Kenya ayaa lagu soo farsameeyaa magaaladda Jilib kahor inta aan xadka laga talaabin.

Sohdinta

Banati waa mid kamid ah horjoogeyaasha ururkan ee sohdinta aad ugu badan si uu qaraxyadda uga gudbiyo kahor inta aysan soo marin degaanka Laanqurac.

Kenya ayaa la daalaadhaceysa iska caabinta weeraro uga imaanaya xulafada Al-Qaacida ee bariga Afrika tan iyo ciidanka dalkaas ku biireen howlgalka AMISOM.

Shacabka Kenya ayaa aad ugu kala qeybsamay ciidanka ay dowladooda u soo dirtay Soomaaliya, qaarkood waxay codsanayaa dib loosoo celiyo.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa dhowr jeer ku celceliyay in askartooda laaban doonan marka laga adkaado Al-Shabaab.

Aadan Barre Ducaale, afhayeenka aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, ayaa hogaamiyeyaasha Soomaaliya u sheegay "in aan la heeb-soocin wiilasheena".

Kenya ayaa Soomaaliya la wadagata xuduud dheer oo loo aqoonsaday mid kamid ah kuwa ugu ammaanka xun oo ay ka talaabto waxa loogu yeero argagixisadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM