Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu afduubtay Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Sarkaal ka tirsan hay’adda Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa lagu waramayaa in lagu qafaashay tuulada Mukuyuni ee ka tirsan Ismaamul Goboleedka Machakos.

Dabley tiradoodu gaareyso shan qof oo rag ah, kuwaasi oo iska soo dhigay ciidamada ilaalada wadooyinka ayaa la sheegay in ay ficilku sameeyeen.

Hay’addaha amaanka oo lagu war-geliyay dhacdadaan ayaa durba ka howlgala si ay u soo badbaadiyaan sarkaalka Qaramada Midoobay u shaqeeya.

Sidda laga soo xigtay hay’addaha dambi baarista, ciidamada ayaa kaga daba tagay dableyda wadada isku xirta degaanada Machakos – Kitui.

"Ragga waxay diideen in ay isa soo dhiibaan, iyaga oo duur biday in ay rasaas furaan," ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay'adda.

Tani ayaa keentay in ay hay’addaha amaanka toogtaan laba kamid ah dableyda la tuhunsan yahay, taasi oo dhalisay in saddex ay soo dhiibaan lahaytaha.

"Sarkaalka UN-ka ka tirsan waa uu jeebaysnaa xiligii aan soo badbaadinay," ayuu hadalkiisa kusii daray sarkaalka ay soo xigatay warbaahinta.

Kenya oo ay ku badan yihiin shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa laga soo wariyaa dhacdooyinka noocaan ah iyada oo ay intaasi wehliso in la afduubto dalxiisayaasha wadankaasi taga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM